AABE DHAME W/Q mustafe yusuf cabdi hayaan Maqaal
waa mid kamida qisooyinka ugu xanuunka badan ee aan la kulmay intii aan kudo jiray badwaynta qoraalka.
qoraalkan aan gacanta ku hayo waxa aan helay 14-4-2011.
waa malin khamiis abaaro 9 subaxnimo waxa aan ka imi aqalka aan ka daganaa magaalada hargeisa.
waxa aan ku socday mid kamid iskuulada gaarka loo leeyahay ee ku yaal magaalada hargiesa oo aan u adayay waxbarsho.
waxa caado ii hayd inaan sii maro maakhyada shaah laga cabo oo ku taala badhtamah magalaada hargeisa oo ah mid ka mida meelah ugu caansan ee bulshadu ku kulanto kana shaahayso kabaha ka sii masaxto ama ( ka baalashaysato ama ka casaysato ) qofba sida uu u yaqaano.
markii aan soo gaadhay goobta ayaan la kulmay qisadan.
ugu horayn waxa meesha iiga muuqday wariya caankaa ee ( Axmed siciid cige ) oo alaab wararka uga taboya laanta afka somaliga ee BBC da oo ku guda jiray hawl maalmedkiisa oo malintaa ku soo qaadanayay barnaamij ku saabsan caruurta yar yar ee ka dhax shaqaysa magalaada hargeisa ee loo yaqaan ( balashlayaasha ama caseeyaal )waxa isla markiiba qalbigaygu ku xidhmay inaan barnaamijkaa dhuuxo waxaan isha ku qabtay sida ay hawshu u socto, waxanan dareenkayag raaciyay inaan dhagaysto su,aalah uu waydiinaayo dhalinta iyaguna ku guda jiro soo saarista haw maalmeedkeeda.
ugu horayn waxa uu bilaaabay inuu warysto mid kamida dhalinta goobtaa ku sugnayd, waxaanu ugu horayn la hadlay midkamida dhalinta waxaanu waydiiyay magaciisa.
waxa uu ku jawabay cabdi muuse isaga oo si kooban ugu jawaabay.
waxaan ugu akhriste idiin soo gudbinayaa sida uu waraysigaa koobani u dhacay.
axmed sc : adeer magacaa?
cabdi muse : cabdi muse isagoo iska wada shaqadiisa uu gacanta ku hayay.
axmed sc : shaqadaadu waa maxay?
cabdi muse : waxaan caseeyaa ama baalasheeyaa kabah.
Axmed sc : halkeed ku nooshahy?
Cabdi muse : hargeisa
Axmed sc : yaad la nooshay?
cabdi muse : waxaan la noolay hooyaday iyo walshay.
Axmed sc :abahaa ma joogaa
Cabdi muse : wuu joogaa lakin nalam noola.
Axmed sc : lacagta aad shaqayso malitii maxaad ku samaysaa?
cabdi muse :waxaan u geeyaa hooyaday
Axmed sc : shaqadaada ma ku faraxsantahay?
cabdi muse : haa waan ku faraxsanay.
Axmed sc : markaad waynaato maxaad rabtaa inaan noqoto?
cabdi muse : hadaan wax baran lahaa waxaan noqon lahaa dhaqtar.
Axmed sc :hada inaad wax barto ma rabtaa?
cabdi muse : haa hadaan helo cid iga caawisa
Axmed siciid cige waxa uu waraysigiisa ku gabagbeeyay duco dadaal.
intaa waxa ka danbaysay waxa aniga igu dhalatay inaan qisadan qoro oo wali nuxurkeedu anan gudo galin.
markii uu wariyuhu dhameeyay hawshiisii waxaan waxoogaa ku nagaaday inaan wax yar uun ka ogaado wiilkaa yar taariikhdiisa, anoo dhamaan hilmaamay waxa aan u socday qalbigayga jiiteen jawaab uu bixiyay cadi yare oo ahaa runtii jawaabo aad dareen buuxa ka qaadan karto, waxaan go,aan ku gaadhay inaan cabdi kabah ka casaysto waxaan ku hdawaaday halka uu fadhiayay anoo salaamay kana codsaday inuu kabaa ii balaashayeeyo.
markii uuu bilaabay shaqada ee uu hawshado ana aan sugaayo ayaa waxa goobta soo gaadhay wiil dhalinyaro ah oo isna rabay in kabaa loo caseyo waxaanu si dagdag ah u waydiiya inuu kabaa u balasheeyo waxaan hadan waydiiyay inuu hayo balaashka kaba ee watay oo markaa ahaa kabo cas cas, nasiib xumo cabdi ma haynin balaashaka ama caseeyaha noo uu wiilkaa dhalinyarada ahi dalbanaayo, waxaanu u sheegay in aanu hayn, wiilkii dhalinyarada ahaa waxa uu ugu jawaaby runtii hadal uu ka muuqdo kibir iyo isla waynii isag oo ku leh hadaanad maxaad meesha ka soo doontay oo runtii qof damiir lihi odhan karin, isku soo wada duubo alle ayaa qof kasatba xaalka og, markii intasi dhacday ayaan isku dayay inaan hadal wadaag la yeesho cabdi waxaanan igu waydiiyay sababta uu u soo qaadan wayay balaashka nocaas, waxaanu igu jawaabay walaal hada shaqada bilaabay marka aan sedex ama afar beer bariyo ama balaasheeyo ayaan soo iibsanayaa, hadalkan oo runtii ah hadal dareen leh caqli wanagsana ka soo baxay aniga runtii dareenkayaga badalay.
markii uu dhameeyay cabdi shaqada waxa aan siiyay lacagtiisi waxaan wali anan ka bogan noalsha cabdi waxan sii rabay inaan su,aalo kale waydiiyo waxanan go,aansaday inaan waxoogaa sii joogo si aan xog uga helo aniga oo ixtiraamaa shaqada sugana intaa uu dhamaynayo shaqada madaama anan rabin inaan mashquuliyo.
cabdi waxa uu sii watay shaqadiisii ilaa nus saac ka dib ayaan si fadhiyay anoo sugaaya inta uu jaanis ka helaayo cabdi, isku soo wada duubo hal mar ayaan arkay cabdi oo xamaantiisa qaatay una diyaar garoobay socdaal anan runtii garanayn halka uu ku aadan yahay, waxaan goostay inaan daba raaco
markii uu waxoogaa taalo dhaafay goobtii oo an daba socdo ayaan u baqaay una yeedhay naxiib wanaag wuu istaagay waanu ila hadlay
waxaan si naxriisle u waydiiya halka uu tagayaayo, waxaanu iis heegay inuu soo quraacanaayo isla markaana rabo inuu soo iibsado baalshaka ka dhinaa oo nooc cas.
intaa markii uu sheegay ayaan ku idhi sxb waan ku raacayaa ina mari igamana diidin waanu si raacnay markii aanu waxoogaa soconaya ayaa waxa uu ii sheegay inuu galaayo meherad wax laga cuno oo uurabo inuu wax ka cuno, ana waxa aan u sheegay inaan rabo inaan halkaa ka cuno isaga oo dhoolo cadaynaaya ayuu igu yidhi ina keen waayee waxaans ii wadanay socodkii markii aanu gadhany meheradii ee anu soo dhamaysanay ayaan cabdi waydiiyay halka uu ku noolyahay waxaanu iis heegay inuu ku noolyahay xaafad ku taala magaalada hargaysa magaceedan la yidhaa daami oo subaxii ka soo shaqo tago, runtiina aad uga fogayd halka uu shaqada ka bilaabo malinkasta, anigo ujeedadayda gunteeda raba ayaan mar labaad cabdi waydiiyay familygiisa inta ay ka kooban yihiin waxaanu iis heegay inuu hada la noolyahay hoooyadii iyo walshii isag ka yar.
intaas uun ma rabin inaan ogaado waxa kale oo aan waydiiya halka uu abihii ku suganyahay, cabdi waxa uu iigu jawaabay inuu abihii ku noolyahay hargeisa kana shaqaysto.
cabdi wax kale oo uu hsegay inuu isagu nololmaalmeedkooda soo saaro, waxa kale oo aan waydiiyay sababta uu abihii u caawin wayay isaga oo hadal iigu soo kaabay abahay waxa uu leeyahay xaas kale iyagana aanu shaqo ku lahay taasina ku kaliftay inuu shaqadan ku quudiyo hooyodii iyo walashii nolasha iska celiyo.
run ahaantii ma rabin inaan dhawaaco qalbigiisa waxaa go,aansaday inaan intaa su,aalaha kaga joojiyo, wanan ka joojiyay.
cabdi waxa uu tagay dukaan aagaa ka dhawaa si uu iibsado balaas ama caseeye cas.
waxan go,aansaday inaan cawimaad yar u fidiyo waxaan u iibiyay laba xabo balaash kala nooca iyo hal caagad sharaab ah oo ana mid iibsaday waxaan sxb nolasha waa sidaa hadii aad ku adkaysto waxa suurta gal ah inaad nolal wacan abuurto hana ka niyada jabin shaqadaada iskuna day inaad wax si uun u barato.
cabdi waxa uu intaa ii raaciyay inuu habeenkii ado guri u dhow oo macalin guri caruur yar yar ku caawiyo kana barto xisaab iyo luuqada ingriiska.
uuna rabo inuu wax uun barto hal mar.
waa nolasha aduunka ( waligeed aduunyada , waqtigaa qof saacid nina wayahaa xidha )
guntii iyo gababadii waxa aan qoraalkan ku soo koobayaa in caruurta shaqooyinka noocan hayst uu san alle u waayin nolol fiican ee ay tahay imtixaan dadka kale lagu tijaabinaayo, waxa inala gudboona ay tahay in niyadoda la ilaaliyo.
hadalka wanaagsani waa sadaqo, naxiiristana waa waxa alle adoomihiisaha isku jeclaysiiyo
Nabigeeni suubanaann (csws) waxa uu alle ku yidhi ( wamaa arsal naaka ilaa raxmatan lil caalimiin ).
qisadana waxa aan ugu doortay magaca ( AABO DHAAME )
alle (swt) waxa uu inaga beeray aabe iyo hooyo waxaanu xilkeena u dhiibay labadooda ilaa aanka gaadhayno dada aan isku filaan karno karo.
- bal u fiirso abahn dunida ku khaasaray waxa uu dhalay caruur isagoo daayacay xilkii guriga ubadkiisa iyo xaaskiisa awoodna u waayay inuu caawiyo iyaga oo u baahan.
- 9/27/2014bal u fiirso wiilkaa yar ee u dagaalamayaa inuu bad baadiyo nolasha qosykiisa ee uu baneeyay abahii, isaga oo wali ku kalsoon shaqadiisa.
idinku eega miyaanu Ahay AABE DHAAME
waxa aan idiin soo dhaafay dada cabdi muuse oo aanan runtii waydiin balse aan ku qiyasay 11 sano jir daruuftu hayso oo aan lahay laf iyo jiidh qurux badan
AABE DHAME W/Q mustafe yusuf cabdi hayaan