Qaraxyo Khasaare Keenay Oo Laga Fuliyey Magaalada Garisa
Garisa:Sep,27,2014()SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Garissa ee dalka Kenya, waxa Bambo-gacmeed Lagu tuuray Goobo Ganacsi ku dhaawacmay Dad tiradooda lagu sheegay ilaa iyo 7-ruux.
Madaxa hay’ada dambi baadhista gobolka Waqooyi Bari Kenya Musa Yego ayaa xaqiijiyay qaraxan isagoo sheegay in dad aan la garanayn ay ku tuureen laba bam-gacmeed goob wax lagu cuno ee Garissa Ndogo.`
Sarkaalkan ayaa sheegay in bam gacmeedyada lagu soo tuuray goob ay dad badan joogeen xilli fiidnimadii xalay ah balse ay ku dhaceen darbi taasoo yareysay waxyeelada ka dhalan kartay weerarka.
“Saameynta ay yeelan kareen bam gacmeedyadan waa ay ka sii badnaan lahayd tan dhacday haddii aanay ku dhici lahayn darbiga ama gidaarka,”ayuu yidhi Musa.
Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa loola cararay isbitaalka Garissa halkaasoo lagu daweeynayo, waxana xaaladoodu ay tahay mid aan sidaas u sii weynayn.
Dhakhaatiirta isbitaalka ayaa saxaafada u xaqiijiyay in la soo gaadhsiiyay illaa toddobo ruux oo dhaawacyo kala gedisan qaba ayna ku howlan yihiin daaweyntooda.
Booliska ayaa gaadhay goobta uu qaraxa ka dhacay waxyar kadib markii uu qaraxan dhacay lamana sheegin cid ay u soo qabteen. Mana jirto cid sheegatay illaa iyo hadda inay ka dambeysay weerarka bambooyinka ah.
Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ee Soomaalidu degta ayaa toddobaadyadii u dambeeyay waxaa ka jiray khilaaf soo kala dhex galay laba beelood oo Soomaali ah kuwaasoo dega gobolka Waqoyi Bari Kenya.
SDN/QJ