Qareenada Difaacaya Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya Oo Cabasho Ka Muujiyey Xafiisyada ICC-da
Nairobi:Sep,27,2014(SDN/QJ)-Cabasho xooggan ayaa kasoo baxaysa Qareenada Difaacaya Madaxweyne-ku-xigeenka Dalka Kenya oo ay dacwad la xidhiidha Dambiyo dagaal kaga socoto Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC-da.
Qareenada ayaa sheegaya in hanjabaado loo diray qaar kamid ah Markhaatiyaashii ay kiiskooda u haysteen, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay ilaa iyo 24-markhati oo haatan shaki geliyey wixii ay ogaayeen.
David huuba ayaa waxa uu sheegay in ay hayaan cadayn ku aadan in markhaatigani loo caga jugleeyay xili ay qaab video link ah su’aalo ku waydiinayeen baadhayaasha xafiiska dacwad soo oogaha.
Mr Huba ayaa xusay in markhaatigani loogu hanjabay in hadii aanu baadhayaasha la shaqayn in magaciisa shaaca laga qaadi doono .
Qareenka madaxwayna ku xigeenka ayaa arintan ku tilmaamay mid walaac leh oo wax ka qabasho u baahan.
Waaxda dacwad soo oogida maxkamada ICC ayaa dhankooda beeniyay in ay jiraan markhaatiyaal ay u hanjabeen baadhayaasha xafiiska dacwad soo oogaha .
Dhanka kale qareenada madaxwayne Kenyatta ayaa waxa ay codsi u gudbiyeen garsoorayaasha ICC taasi oo ku saabsan in madaxwaynaha qaab Vidiyoo link ah uu uga qayb galo kulanka 8 october.
Dhawaan ayey ahayd markii 24-qof oo hore u sheegay inay markhaati ka yihiin kiiskii loo Haystay Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya ay ka noqdeen hawshaas, isla-markaana ay sheegteen inaanay waxba ka ogayn arrimahaas.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com