|

Xisbiga Ucid Oo Ku Baaqay In Caafimaadka Madaxwayne Siilaanyo La Baadho Doorashadda Ka Hor, Kuna Naqdiyey Wakhti Ee Uu Dhalashadiisa Ku Kala Qortay

cabdi good
Hargaysa(SDN/QJ) Xoghayaha arimaha gudaha ee xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Abdiqani Ibrahim Salaf (Kaptanka) ayaa ka dhawaajiyay in madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)la baadho caafimaadkiisa maadaama ayuu yidhi uu qalday kaadhka dhalashadiisa,waxaanu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu warbaahinta u qabiyey, qoraalkaasi oo dhamaystiranina waxa uu u dhigmaa sidan:- “Waxaanu codsanaynaa hadaanu nahay xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID,In lanoo Baadho Xaalada Caafimaad ee Madaxweynaha Kahor intaan Doorasho Lagalin Sababta oo ah Waxaanu Shaki kujirin in Madaxweynuhu aanu ahayn Caafimaadkiisu Sidii uu doorashadii udanbaysay ku Galay.Madaxweynaha qaranka Maxa Ku kalifaaya inuu dalkiisa Khiyaameeyo oo Laba ID

oo is Khilaafsan uu qaato kuna kala duwan Goobta Dhalashada Iyo Da’diisa Oo mar Sheegtay 1936 marna Sheegtay 1942 Ma Madaxweynaha garan waayay Dhalashadiisa iyo Goobtii uu Kudhashay ayaa Daldhan Maamuli kara, Waxani Maaha Wax Dhibyar Maamuus ka xayuubin ayuu ku kasbankara Madaxweynuhu.

Warbaahinta Somaliland ee Soo bandhigtay Labadan ID ee Madaxweynuhu kala Qaatay mudo ka yar 5-sano waxay muujiyeen inay yihiin warbaahin dhamaystiran oo leh kayd dhamaystiran markii loo baahdana laga helo karo, waan ugu mahadnaqayaa shaqada ay qaranka u hayaan.

Arintani waxay u quus goynaysaa madaxda Somaliland qaarkood oo intay

wax walba iskaga hadlaan hadhawna dafira nin waliba waxii uu yidhaahdo waala haynayaa,Hadaba waxaad noqon Runsheege ama Beenaale Xusuus Mudan labadaa mid.

Allaa Mahadleh

Xoghayaha Arimaha Gudaha xisbiga Ucid

Abdiqani Ibrahim Salaf Kaptankaā€¯.

 

Comments are closed