Reer Falastiin Oo Ku Heshiiyey Hirgelinta Maamul ay u Dhan Yihiin
Qaza:Sep,26,2014(SDN/QJ)-Dhinacyada hormoodka ka ah siyaasadda shacabka Reer Falastiin ee Xamaas iyo Fataax, ayaa ku heshiiyey inay samaystaan maamul ay u wada dhan yihiin.
Dhinacyadan ayaa labadii maalmood ugu dambeeyey waxa uu wada Hadal uga socday magaalada Qahira, waxana ugu dambayntii lagu heshiiyey in la sameeyo maamul wadaag ah.
Labada xisbi ayaa ku heshiiyey in ay wada dhisaan dowlad ay ku mideysan yihiin, waxayna sidoo kale ku heshiiyeen in maamulka Gaza lagu wareejiyo dowlada Falastiin ee uu hogaamiyo Maxamuud Cabaas.
Marinka Gaza oo burbur xoogleh kasoo gaadhay duulaankii Isra’iil ayaa waxaa in muddo ah soo maamulayey xisbiga Xamaas oo ah midka iska caabinta ku haya gardarrada yuhuudda.
Heshiiska Xamaas iyo Fatax ayaa lagu doonayaa in irrida loogu furo dib u dhisida Gaza iyo sidii loo mideyn lahaa dhinacyada siyaasada ee reer Falastiin.
Burburkii esra’el u geysatay Qaza, ayaa waxa bilaabmay dib udhiskiisii, waxana lacagaha intooda badan bixinaya dawladda Qatar oo iyadu diyaar la ah kharashaadka ku baxaya dib udhiska falastiin.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com