|

Dalka Brazil Oo Hawada Kusii Daayey Kumanaan Kaneeco ah Daawo ahaan Loo Isticmaalayo

Rio Djenerio:Sep,26,2014(SDN/QJ)-Kooxo khubaro caafimaad ah oo u dhashay dalka Brazil, ayaa hawada dalkaasi kusii daayey Kumanaan kamid ah noocyada kaneecada ah, si looga hortago xanuunka Denque Fever oo dalkaas faro baas ku haya.

kaneecNooca kaneecada cusub ee hawada lagu beeray, ayaa khubaradu sheegeen inay ka hortegayso cudurkaas, kaas oo ka dhasha isla kaneecada, balse nooc kale oo aan ahayn midka hawada lagu sii daayey.

Cudurkan  haatan kaneecada lagula dagaallamayo, ayaa waxa uu ku dilaacaa dhowr dal oo dunida ah.

Kaneecadan cusub, oo lagu tilmaamay inay tahay kaneeco “fiican” ayaa la filayaa inay ka badato kaneecada cudurka dhalisa, si loo dabargooyo cudurkaasi, oo halis weyn ku ah Brazil.

Mashruucani waxaa horkacaya xarun baadhitaan oo ka jirta dalka Brazil, waxaana sidoo kale laga fuliyay dalalka Australia, Vietnam iyo Indonesia.

Brazil ayaa ah dalka laga helo tirada ugu badan ee dadka uu ku dhaca cudurkaasi Dengue Fever, iyadoo 3.2 milyan oo ruux ku dhacay shantii sano ee la soo dhaafay. xigasho: BBCSomal

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed