|

Sarkaalkii Budhcad-badeeda Somalidda Mudug ugu Caansanaa Oo Ku Dhintay Muran Ka Dhashay Lacagtii Laga Qaaday Wariyihii Maraykanka ahaa Ee Lasii Daayey Dhawaan

Galkacyo:Sep,26,2014(SDN/QJ)-Koox Budhcad soomali ah oo muddo  laba sano ka badan afduub u haysatay Wariye Reer Galbeed ah, ayaa isku rasaaseeyey lacago madax-furasho ah oo ay wariyahaas ka qaateen sii dayntiisa.

dugeLacagta kooxdan budhcadda ah la siiyey, ayaa qaddarkeeda lagu sheegay ugu yaraan Hal Milyan iyo Lix Boqol oo Kun oo Dollar, taas oo keentay inay isku afgaran waayaan sidii loo qaybsanayey.

Dagaalka ayaa ugu yaraan ku geeriyooday saddex ruux, waxaana ku dhaawacmay 8 kale oo iskugu jira shacab iyo budhcad badeedii dagaalamay.

Saddexda qof ee dagaalka ku geeriyooday ayaa waxaa ku jira sargaal ka tirsan Kooxda Budhcad badeeda Soomaalida oo lagu magacaabo Cali Duulaa, kaasi oo caan ka ahaa gobolka Mudug.

Xaalada koonfurta Gaalkacyo ayaa kacsan, waxaana jira xiisad colaadeed oo magaalada laga dareemayo oo u dhaxeeysa budhcad badeeda halkaas ku sugan ee saaka dagaallamay.

Cali Duulaa ayaa waxa uu caan ka ahaa Gobolka Mudug, isagoona ku caan baxay arimaha budhcad badeeda, waxaana lagu xusuustaa in uu qeyb ka ahaa Afduubkii sanado ka hor budhcad badeeda ay u geysteen Markab laga lahaa dalka Ukraine oo siday hub iyo taangiyo.

Waxaa xusid mudan in Cali Duulaa uu ahaa ninkii labadii sano ee lasoo dhaafay gacanta ku hayay Afduub ahaantana u heystay Machel Scot Wariyihii dalashada Jarmalka iyo Mareykanka heystay ee Maalintii Salaasada ay sii daayeen kooxaha Budhcad badeeda.

Sida ay qortay wakalaada wararka AP, qolooyinkii weday wada xaajoodka lagu sii daayey wariye Michael Scott Moore oo heystay dhalshada Mareykanka iyo Jarmalka, waxaa la bixiyey lacag dhan $1.6 Milyan dollar si loo sii daayo.

Wariyahan ayaa maleeshiyaad hubeysan waxey bishii January ee sannadkii 2012-kii ka afduubteen meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana la sii daayey salaasadii lasoo dhaafay.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed