|

Garowe Oo Xalay Lagu Toogtay Sarkaal Ka Tirsanaa Maamulka Puntland

Garowe:Sep,25,2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaa wararka aanu saaka ka Helayno magaalada Garowe ee caasimadda Maamulka Puntalnd, waxa Xalay halkaas lagu toogtay sarkaal sare oo ka tirsanaa maamulkaas.

???????????????????????????????Sarkaalka la dilay ayaa macagiisa lagu sheegay C/rashiid Bulxan Boqor Cismaan, waxana uu  tirsanaa Hay’adda Wadooyinka ee Maamul Goboleedka Puntland.

Xoogag hubeysan, ayaa waxay marxuumku ku toogatay agagaaraha Hotel Towfiiq ee Badhtamaha Magaalada Garoowe, waxayna daqiiqado ka dib ka baxsadeen goobtii ay ku dileen.

Ciidanka ammaanka ee Puntland, ayaa xalay oo dhan hawlgalo kala duwan ka waday Magaalada Garoowe, lamana garanaayo  in ay dad ku soo qab qabteen iyo in kale.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada Garoowe, ayaa sheegaaya in Ciidamada Booliska ay xalay xidheen wadooyinka, wixii ka dambeeyay 11-kii habeenimo, oo dilka C/rashiid Bulxan Boqor Cismaan uu dhacay.

Laamaha ammaanka, ayaan weli ka hadlin dilka Sarkaalkaan loogu geystay Xarunta Maamul Goboleedka Puntland, waxaase la filayaa in saacadaha soo socdo ay ka hadlaan.

C/rashiid Bulxan, ayaa ka tirsanaa aqoonyahanada reer Puntland ee dalka dibadiisa wax ku soo baratay, iyadoo aan wali laga warhayn hawsha keentay in la dilo iyo weliba cidii dishay.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed