|

Reer Qorilugud Oo Toddobaad Kadib Mudaharaad Soo Habsaamay Kaga Gilgishay Dilkii Saraakiisha Ciidanka Qaranka

Hargeysa:Sep,25,2014(SDN/QJ)-Shacabka ku dhaqan degmada qorilugud  oo ka tirsan Gobolka Buuhoodle, isla-markaana lagu laayey saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka dhawaan, ayaa maalintii shalay iskugu soo baxay mudaharaad ay ku muujinayaa sida ay uga xun yihiin dilkaas dhacay.

qoriluShacanka oo aan u kala hadhan mudaharaadkan, ayaa ku dhawaaqayey inay si weyn uga xun yihiin wixii degmadooda ka dhacay, isla-markaana ay qaybtooda ka qaadanayaan soo qabashada gacan-ku-dhiiglihii geystay dilkaas foosha xun.

Oday Hurre Ibraahim Walan-wal, oo ka hadlay isku soo baxaasi  ayaa sheegay inay  iskugu soo baxeen sidii ay ilaahay ugu weydiin lahaayeen Janno labada marxuum ee gacanta ka xaq darrani dishay, waxaanu yidhi “Waxaanu iskugu soo baxnay inaanu ILAAHAY janno u weydiinno labadii marxuum ee saraakiisha ahaa oo aan qabo inay annaga naga dhinteen. Waxaanan leeyahay ninkaasi meel kasta oo uu galo haloo hala soo qabto.”

 

“Waxaanu ka xun nahay  cudurka xun ee uu  xisbiga UCID  gaar ahaan  Jamaal Cali Xuseen uu curiyay dhaqan xun oo   uu dalka ku soo kordhiyay, Cali Guray isaga hore ayuu dalka u joogay oo waligiiba wuu iska hadli jiray oo wax ka soo qaad ma lahee , Jamaal ayaanu tuhmay isna waanu la yaabnay sidii uu u hadlay,”ayay tidhi mid ka mid ah haweenkii soo abaabulay  banaan-baxaas baroor-diiqda ahaa.

 

“Annaga ayay naga geeriyoodeen saraakiisha la dilay waanu ka xun nahay waanan cambaaraynaynaa, haddii aanu nahay dadweynaha iyo waxgaradka degmadda Qori-lugud aanu  leenahay ILAAHAYOOW noo bidh-bidhi oo noo soo qabo gacan ku dhiiglihii dilay labadaas sarkaal,”ayuu yidhi mid ka mid ah duqayda reer  Qori-lugud oo ka hadlay banaan-baxaas  baroor-diiqda ahaa.

Mudaharaadka reer Qorilugud, ayaa yimi Toddobaad kadib markii saraakiishaan lagu laayey deegaankooda, waxana loo malaynayaa inuu Mudaharaadkaasi yahay mid ay xukuumaddu ku  lug leedahay oo ay dabada ka riixayso, maadaama la arkay sida ay uga gaabisay wax ka qabashada arrintaas foosha xun ee dalka ku soo korodhay.

Ma ah mudaharaadka reer Qorilugud oo kaliya waxa dib udhucu ku yimi,balse xataa waxa dhidar onkod kiciyey noqday tacsidii iyo odhaahyadii xukuumaddu ka tidhi dilka saraakiishaan oo yimi kadib markii ay reer Gabiley ka Gilgisheen foolxumada dhacday iyo hurdada xukuumaddu ku jirto.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed