Wasiir Ku Xigeen ka Tirsan dawlada Punt land oo uu Xilkiisii Galaaftay Waraysi uu ku Naqdiyay Axmed Cabdi Xaabsade DAAWO
Garowe 25.Sep 2014 (SDN/QJ)- Warar soo galay Magalooyinka Puntland ayaa sheegayay in Shaqo Joojin lagu sameeyay Wasiir ku xigeenka Dekadaha iyo Gadiidka Badda Puntland C/rashiid Gaani Cali halka Warar kalana ay tilmamayan in shaqadiisi gebi ahaan uu ku wayay Waraysi uu bixiyay.
Gaani ayaa ku dhaliilay Waraysi uu siiyay Waarbaahinta Imanshaha Xaabsade ee Puntland wakhtigaan,ma jiro War Rasmi ah oo ka soo baxaya Xarunta Madaxtooyada ama qoraal Saxafadda la gaarsiiyay inkastoo Ilo Xog-Ogaal ahi ay Xaqiijiyeen in ay jirto Xil ka qaadis lagu sameeyay Wasiir ku xigeenka Dekadaha balse aan la shaacin weli arrintaas.
Wasiirka ayaa qaar kamid ah saaxabidadiisa oo Xiriir la sameeyay u sheegay in lagu wargeliyay inay jirto xil ka qaadis lagu sameeyay warqadi Xil ka qadistana loo diray Wasiirka Wasaradaas oo dib u soo gaarsiiyay isaga.
qoraalka xil ka qadista ayaa lagu yiri ” kaddib markii uu ka soo bixi wayay xilkii loo igmaday”
Haddaba maxuu ku mutaystay Cabdirashiid Gaani.
Wasiir ku xigeenka ayaa Waraysi dheer oo uu siiyay Raxanreeb ku tilmaamay Dhaliilo Axmed Cabdi xaabsade oo wayadan dambe lagu dhex arkayey Madaxtooyada Puntland .
Wasiirka ayaa waraysigiisa ku weeraray Dowladii hore ee Faroole oo uu sheegay Gobalka Sool ama Taleex ay ka gaysteen Dhibatooyin lumiyay Kalsoonidi Shacabka ay ku qabeen Puntland balse iminka taas laga gudbayo.
wuxuu cambareeyay Dhacdooyinkii ama weeraradi Somaliland ay ku qaaday Taleex iyo Saaxdheer wuxuu sidoo kale Cambareeyay Mamulka Khaatumo oo uu tilmaamay in ay deeganka u soo jiideen Dhibatooyinka dhacay ama taagan.
Mr Gaani ayaa isagoo afeeftay sheegayna inay tahay Aragtidiisa u gaarka ah waxaa uu yiri
“Aragtideyda gaarka ah Imatinka Axmed Xaabsade wax Macno ah oo uu samaynayo ma jirto, Axmed Dembiyaduu galay wala Ogyahay, Dhulkii uu bixiyay baa weli maqan ku maqan gacan cadow wala isticmaalay marka la isticmaalay oo dantii laga laha laga garayna inuu hadda yirahdo Puntland ban u soo noqday wax macno ay ii samaynayso malahan” ayuu yiri Gaani.
Wasiirka wuxuu sheegay in aysan jirin Madax Puntland ah oo u yeertay Xaabsade balse uu isagu yimid ayna macquul aheen in uu mar seddaxad soo laabto Xaabsade.
Wararka waxay sheegayan Madaxda ugu saraysa Puntland haba ugu horeeyo Madaxweyne ku xigeenka in carro xoggan ay ka muujiyeen hadalkas oo weliba ka soo yeeray Mas’uul Xukumadda ka tirsan.
Axmed Cabdi Xaabsade Miisaan Ceynke ah ayuu ugu fadhiya Madaxda Puntland.
tan iyo markii Axmed Cabdi Xaabsade soo gaaray Garoowe isaga iyo weliba Isimo aad u culus waxaa soconayay kulamo joogta ah haddana kala gooni gooni ah oo Madaxda Puntland ay la yeelanayeen Odayasha Beelaha dhulbahante ujeedkiisuna yahay soo celinta Laascaanood.
Axmed Cabdi Xaabsade ayaa soo noqoshadiisa kaddib ku rajo geliyay Madaxda Puntland in dib Laascaanood iyo Sool ay u soo galayso Puntland isagoo adeegsan doona Khibradiisa iyo aqoonta Siyasadeed ee uu u leeyahay Arrimahaas.
Arrimaha Gobalkaas waxay kordhisay Kalsoonidii Madaxda Puntland waxayna hoos u riday qaar badano kamid ah Siyaasinta Gobalka Sool ee ku sugan Puntland.
2007-dii markii Xilka laga qaday Xaabsade dib uu ugu laabtay Laascaanood waxaa wax yar kaddib gacantii ka baxday Magaalada Laascaanood taaso dhabaysay hadalo horay uu xaabsade ku yiri Laascaanood waxay jirta mar walba dhankan jiro.
Maamulka Puntland wuxuu dadaal adag ugu jira sidii uu ku heli laha Kalsoonida Shacabka, Dhaqanka iyo Siyaasinta ka soo jeeda Sool iyadoo la isu kenayo dhaqamaan qaybaha ku kala aragtida duwan Khilafaadka ragadiyay Gobalkaas.
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com