|

Walaac Hor leh oo la soo dersaya dadka Isticimaala Facebook oo Lacag laga Dhigayo Bisha November ee Sannadkan

Washington 25.Sep 2014 (SDN/QJ)- Shir jaraa’id oo Mulkiilaha shirkadda Facebook ku qabtay dalka Maraykanka, ayuu ku sheegay inay qorsheeyeen in laga bilaabo bisha November ee sanadkan uu qof kasta oo hadda si bilaash ah u adeegsada bar-kulanka Facebook  uu bil kasta bixin doono qadar lacageed oo dhan $3 dollar ama ($ 2.99),

“Wakhti dheer oo adag ayaanu ku gaadhnay go’aankan, ma haysanno doorasho kale ama go’aan kale oo aan ahayn inaanu lacag ka dhigno Facebook”, sidaa waxa yidhi, aasaasaha bar-kulanka Facebook Mark Zuckerberg.

Maskaxda Ikhtiraacday Shabakada Facebook

Maskaxda Ikhtiraacday Shabakada Facebook

Mark Zuckerberg, ayaa intaasi raaciyey in haddii aanay lacag ka samayn kor u kaca dadka adeegsada Facebook, taasi ay keeni doonto dhaqaale burbur ku yimaadda shirkaddaasi “Haddii aanaan tallaabo u qaadin kharashka nagu sii badanaya, Facebook wuxuu waajahayaa inuu dhaqaale ahaan isku dabooli waayo, noqdana wax laga tagey”

Bar-kulanka Facebook, ayaa waxa adeegsada dad tiradooda lagu sheegay 1.317 Milyan, haddii 75% ay bixiyaan lacagta saddexda Dollar ah, waxa bisha ugu horeysa u soo hoyanaysa $ 36 Milyuun oo dollar,amuurtan ayaa Walaac ku abuurtay Dadka Sida aan Qiyaasta lahayn u adeegsada Shabakadan Xidhiidhka Dadweynaha.

Washington SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed