Daruuro Colaadeed oo Dul Hoganaya Magaalada Gaalkacayo kuwaas oo Salka ku haya Ismaandhaafka Garoomada Diyaaradaha ee Punt land iyo Gal Mudug
Gaalkacayo 25.Sep 2014 (SDN/QJ)- Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo ee ay maamusho Puntland,ayaan haba yaraatee Shalay wax diyaarad ahi ka soo deign ka dib markii is maandhaaf uu dhashay isticmaalka garoon kale oo dhinaca Galmudug ka aliso ay ka hir galisay koonfurta magaalada Gaalkacayo.
Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug Cabdi Xasan Gaybdiid ,ayaa ku hanjabay in aanay dhici karin in magaalada Gaalkacayo labadeeda garoon midna uu shaqeeyo midna Xanibnaado ,taasina waxay keentay in shalay diyaaradaha rakaabka ah iyo kuwa qaramada midoobay ee garoonkaa maali jiray in aanay midina ka soo deign sababo ammaan dartood.
Sargaal ka tirsan maamulka Puntland oo ka howlgala Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ayaa warbaahinta u sheegay in Diyaaradihii Xamuulka iyo kuwa QM ee Garoonka ka dagi jiray ay ka Cabsadeen isku dhac dhexmara Maamulada Puntland iyo Galmudug sidaana ay ku joojiyeen imaasha Gaalkacyo.
Dhinaca kale Maamul goboleedka Puntland,ayaa shalay ciidan aad u tiro badan geeyay garoonka diyaaradaha ee waqooyiga Gaalkacayo kaasoo ay sheegeen in ay ku xoojinayaan ciidankii hore u joogay garoonka diyaaradaha ee dhanka Puntland ee Gaalkacayo.
Geesta kale waxaa laga cabsi qabaa in labada Maamul uu halkaa ku dhex maro dagaal saamayn ku yeesha guud ahaan ammaanka magaalada Gaalacayo.
Gaalkacayo SDN/QJ
contact@qurbejoog.com