Khilaafkii Masuuliyiinta Federalka Oo Markale Curtay iyo Moshin Ra’isal Wasaaraha ka Dhan ah Barlamaanka Ka Socda
Muqdisho:Sep,18,2014(SDN/QJ)-Iyadoo lagu wado inuu maalinta sabatida ah dib u furmo Kal-fadhigii baarlamaanka Somalia, iyaa magaalada Gudaheeda iyo Huteellada laga wadaa qaban qaabada mooshin ka dhan ah ra’isal wasaaraha Somalia, cabdiweli sheikh axmed.
Mooshinkan ayaa la sheegayaa inuu markale dabada ka riixayo madaxweynuhu, iyadoo si weyn la iskugu maandhaafsiisan yahay Xilka-qaadistii uu dhawaan ku sameeyey Madaxii hore ee Sirdoonka mudane sanbalooshe oo uu madaxweyne Xasan si weyn uga horyimi xilka qaadistiisa.
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 17-kii bishii Janaayo ee sanadkaan soo magacaabay Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed, ka gadaal markii 2-dii bishii December uu Baarlamaanku kalsoonida kala laabtay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Madaxweynuhu wuxuu dhabarka ka riixayaa mooshinka laga diyaarinaayo Wasiirka 1-aad ee Xukuumada, xilli loo arkay in uu caqabad ku yahay saaxibada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo in uu xil ka qaadista ku bilaabay.
Hoteelada Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka soconaayo shirar gaar gaar ah oo ay ku yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka, iyagoo markaasi ka arrinsanaaya mooshinka cusub ee lagu wado, inay u gudbiyaan Guddoonka Baarlamaanka Somaliya.
Sidoo kale waxaa soo badanaaya mashquulka xoogga badan leh ee ka jira Bankiga Dhexe ee Somaliya, kaa oo aad arkeyso in lacagaha looga qaadanaayo waraaqaha ay ku saxeexan yihiin masuuliyiinta ku dhow dhow Madaxweynaha. Waxaana lacagahan lagu iibsanayaa Xildhibaanada ku sugan Caasimada, si ay u taageeraan rabitaanka garabka Madaxweynaha.
Mooshinka laga diyaarinaayo Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxaa qayb ka noqon doono eedeymaha ah, in Xukuumaduusi ay tahay mid tiro badan, oo aan wax qabad badan lahayn, inaanay horu-socod muuqdo samayn mudadii ay jirtay iyo inaanay dhisin kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.
Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Somaliya, ayaa warbaahinta u sheegay in dhaqaalihii lagu ridi lahaa Ra’iisal Wasaaraha, ay durbaba gacanta ku dhigeen ragga ku dhow dhow Madaxweynaha ee ka tirsan Xukuumada C/weli.
Sarkaalkan, ayaa tilmaamay in dalalka Kuwait iyo Qatar ay ka jawaabeen codsi kaga yimid xubnaha ku dhow dhow Madaxweynaha, oo ahaa in laga gacan-siiyo sidii daaqada looga saari lahaa Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed.
Xildhibaanada Baarlamaanka ee joogga Magaalada Muqdisho, ayaa u yeedhaaya saaxiibadooda kale ee ku sugan Magaalada Nairobi iyo dalalka kale ee dibadda, si ay u yimaadaan Magaalada Muqdisho, qaybna uga noqdaan tallaabada xafiiska looga eryaayo Ra’iisal Wasaaraha.
Marka laga soo taggo Xildhibaanada u gurbinaysa garabka Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa waxaa dhanka kale jira tiro Xildhibaano ah oo taageersan Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federalka ee Somaliya. Iyadoo uu xalay beeniyay in uu khilaaf kala dhaxeeyo Madaxweynaha Somaliya, mar uu la kulmay Somalida England.
Iyadoo ay shaqo adag xilligaan hortaal Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa dhinaca kale kuu muuqaneysa inaanay si sax ah ugu adeeggin ummadaan dhiban, iyagoo hadba la safta garabyada Dowladda ee is haya, dhinacii dhaqaalo bata.
Arrinta la xidhiidha in shaqada laga eryo hogaanka Xukuumada, ayaa waxay sababi kareysaa in aynaan dalku ka dhicin wax doorasho ah sanadka 2016-ka, waxaana markaasi loo baahan doonaa in muddo laba sano ah uu xilka ku darsado Madaxweynaha. Wuxuuna hore Xafiiska Madaxweynuhu u diyaariyay qorshe uu muddo laba sano ah uu xilka isugu kordhinaayo.
SDN/QJ