Madaxwweyne Siilaanyo oo Kulan Balaadhan Madaxtooyada kula qaatay Ururada Bulshada iyo Bah’da Waxbarashada kalana hadlay Diiwaangelinta Madaniga ah ee Khilaafku ka taagan yahay {DHAGAYSO/SAWIRO}
Hargaysa 17.Sep 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Shirar kala Duwan la yeeshay Ururada Bulshada (civil society) iyo Bahda Waxbarashada.
shirarkaasi kala duwan oo maanta ka socday qasriga madaxtooyada gaar ahaan Hoolka weyne ee galaha wasiirada waxa ujeedadiisu ahayd sidii laysuna meel dhigi lahaa waxna looga ogaan lahaa qaabka Diwaangelintu u dhacayso iyada oo Gudidada Farsamada ee Diwaangelinta iyo Shirkada Sahan eek u guulaysatay Diwaangelinta Muwaadinkuba ay goob-joog ka ahaayeen shirarkan kuna soo bandhigeen qaabka iyo habka uu u shaqan doono Agabkani.
Waxaana isla joobtaasi lagu diwaangeliyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali maxamed Warancade oo isagu noqday Shaqsigii ugu horeeyey ee maanta isu diwaangeliya Diwaan-gelinta muwaadinka ama qaata Kaadhka Aqoonsiga muwaadinka sidoo kalena waxa ku xigay Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Somaliland mudane Maxamed Muuse Abees oo isna qofka labaad noqday ee qaata kaadhka Aqoonsiga Muwaadinka Somalilander ka ah.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALADII UU MADAXWEYNAHA IYO WASIIR WARANCADE KULANKAAS KA JEEDSHEEN
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/KulankiiMadaxtooyada17.mp3″]
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com