“Anaga Labadii Sanno ee Korodhsiimada ahayd ayaa na Galaaftay Waxaan Leeyahay Madaxweyne Siilaanyo Ha Lagu Kala Guuree Doorashada Qabo,Dhegahana ka Furayso Beesha Dhexe” Axmed Yuusuf Yaasiin DAAWO
Hargaysa 17.Sep 2014 (SDN/QJ)-Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland, Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay marxaladdan adag ee dalku marayo, waxaanu talooyin u soo jeediyay, xukuumadda, Axsaabta iyo shacabka reer Somaliland.
Madaxweyne ku Xigeenkii Hore ee Somaliland Waxa uu Cadeeyay Sababta u weyn ee uu Xisbigoodii ku Guul daraystay inay ahayd Labadii Sanadood ee danbe ee loo Kordhiyay isagoo Xusay inuu Rumaysan yahay in Hadii Markii Shanta Sanno u Dhamaadeen ay doorashada qaban lahaayeen ay Guul ka soo Hoyn lahaayeen.
Waxaa kale oo uu Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ka dalbaday Madaxweyne Siilaanyo in hadii uu rajada Mustaqbalkiisa Siyaasadeed eegayo uu doorashada qabto isla markaaa uu iska dhaafo in Korodhsiimo Xileed ay u Sameeyaan Golaha Guurtidu waxaau hadalkan ka sheegay mar uu u waramayay Barnaamijka Hal adayga ee HCTV
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com