Yaab: Wariye Daawadayaashiisa u Sheegay Xilliga Uu Dhiman Doono
London:Sep,17,2014(SDN/QJ)-Midka mid ah wariyayaasha ugu caansan Dunida oo lagu magacaabo Dave Benton, ayaa daawadayaashiisa u sheegay inuu Muddo Kooban ku dhiman doono.
Wariyahan oo u shaqeeya TV-ga WCIA, ayaa markii uu Baahintiisa ka Baxay daawadayaashiisa u sheegay war ay si weyn uga argagaxeen oo ay ka naxdin gariireen.
Waxa uu si kedis ah u sheegay inuu Muddo kooban oo lix bilood Gudahood ah uu geeriyoon doono, taasina ay soo gunaadayso shaqada uu shacabka u hayo iyo waliba Noloshiisii soo taxnayd.
Dave Benton, ayaa waxa uu haddalkaasi sheegay warka ka dib waxa uuna sheegay in xiligani uu la daalaa dhacaayo xanuunka loo yaqaan Kansarka kaasi oo uu Tilmaamay inuu kaga dhacay Maskaxda.
Dave Benton waxa uu daawadayaasha Tv-gaasi u sheegay in Dhakhaatiirta la socata Caafimaadkiisa ku wargeliyeen in Lix bilood ka badan aanu sii noolaan Karin, marka xaaladiisa loo eego.
‘’Haa waxaa lama huraan ah in daawadayaasha aan u sheego inaan geeriyoon doono muddo Lix bil kadib, waana lama huraan in asxaabta iyo daawadayaasha ay si gaar ah isha ugu hayaan xaaladeyda’’ ayuu yidhi wariyuhu.
Dhanka kale, Dave Benton ayaa waxa uu kamid yahay Weriyayaasha loogu jecel yahay Telefashinkaasi, waxa uuna hadalkiisa walaac ku beeray Daawadayaasha Tv-ga.
Cudurka Kansarka ayaa sanadahan dambe si weyn dunida ugu soo badanayey, waxana si weyn uga cabanaya dad caan ah oo noloshooda uu Halis ku Yahay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com