Kenya Oo Shaacisay Inay Xidhi Doonto Masaajiddo Lagu cibaadaysto Oo Dalkeeda Ku Yaalla
Nairobi:Sep,17,2014(SDN/QJ)-Saraakiil dhinaca ammaanka Kenya u qaabilsan ka tirsan ayaa ku gooddiyey inay Dawladdu xidhi doonto Masaajiddo ay sheegeen in xagjirnimada dadka lagu baro.
Agaasimaha Waaxda Baadhista Dambiyad Ndegwa Muhoro ayaa sheegay in xukuumaddu xidhay masjid ku yaal Machakos halkaa oo in ka badan 30 dhallinyaro ah lagu xidhay xilli loo qortay in ay ku biiraan al-Shabaab, isaga oo sheegay in masaajidda caynkaa oo kale ah ay si kadiso ah uga soo baxayaan gobolka Xeebta.
“Waxan haynaa xog sheegaysa in masaajiddaasi ay ka soo baxayaan gobollada halkaa oo wiilasha iyo gabdhaha dhallinta yar loogu qortay in ay ku biiraan al-Shabaab. Xukuumaddu waxay hubin doontaa in si deg deg ah loo xidho sababtoo ah waxa ay qayb ka yihiin kororka jariimada sii badaneysa ee dalka,” ayuu yidhi.
Isaga oo ka jawaabaya taa, ayuu Billow Kerrow, oo ah sanator ka soo gala Mandera, uu dhalleeceeyay tallaabada xukuumadda.
“Waxay ka dhigan tahay iyada oo dekedda Mombasa loo xidhay sababta oo ah waxa si joogta ah uga soo gala maandooriye ama loo qarxiyo guri sababta oo ah waxa ku nool kiraystayaal argagixiso ah. Xukuumadda waxa laga rabaa in ay bar-tilmaameedsato shakhsiyaadka lugta ku leh jariimada la tuhun sanyahay, oo ayan xidhin masaajika,” ayuu yidhi.
“Bar-tilmaameedsiga masjidku waxa uu xaqiijinayaa shakiga ay Muslimiintu ka qabaan in xukuumaddu ay aalaaba bar-tilmaameedsato diinta. Haddii uu jiro hoggaamiye Muslim ah oo lagu tuhmo in uu askar u qorayo al-Shabaab, isaga beegso oo iska daa dhismaha,” Keerow waxa uu yidhi.
Kenya ayaa hore u xidhay Masaajid weyn oo ku yaallay Magaalada Mombassa, waxana taasi keentay kacdoon ba’an oo dadka muslimiinta ahi ku difaaceen xidhitaankiisa, iyadoo dhimasho badanina halkaas ka dhalatay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com