|

Muxuu Al-fannaan Xasan Aadan Ka Yidhi Wararka Geeridiisa Sheegaya Ee La Baahiyey?

Faynoord:Sep,17,2014(SDN/QJ)-Fannaanka soomaaliyeed ee Xasan Aadan Samatar, ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay War shalay laga Baahiyey oo lagu sheegay inuu Geeriyooday.

xasan aadanXasan Aadan Samatar oo haatan ku sugan Dalka Holland, ayaa waraysi uu siiyey TV-ga Universal, waxa uu ku sheegay in laga Baahiyey Warar Been abuur ah oo Noloshiisa Lagu Baabi’inayo, isla-markaana Buuq iyo dhiillo lagu gelinayo dadka isaga jecel iyo kuwa ay wada Dhasheenba.

Fannaanka ayaa sida wax u dhaceen uga sheekeeyey Warbaahintii la xidhiidhay isagoo aqalkiisa ku sugan, “  saakaa la I toosiyey oo la iyidhi website baa  qoray geeridaada, markaan hubiyey waxan arkay xasan Aadan oo  saacaddan la joogo geeriyooday.” Ayuu yidhi Xasan Aadan samatar.

Fannaan Xasan Aadan ayaa sheegay in culays badan iyo naxdin ay arrintani u geysaay Ehelkiisa, isla-markaana xataa dadkii jaarka la ahaa ab Albaabadiisa si xooggan usoo buuxiyeen,

“Arrintaas waxa igaga daran dadkii walaalaha iyo saaxiibo meelkasta telefoono ayey wadaan, Geeriddana ilaahay baa xaq ka dhigay, waxana aad arkaysaa safaaraddo qaarkood lasoo geliyey.” Ayuu yidhi Fannaanku.

Waxa uu sheegay xasan Aadan in Geeridiisa oo la Baahiyaa aanay ahayn markii ugu horaysay, balse Marar horeba la sheegay wararkan beenta ah oo kale, waxana uu sharraxaad ka Bixiyey waxa uu kani kaga duwan yahay kuwii hore loo qori jirey,

“horeba waa u dhacday  Tan oo Kale, laakiin tani sida loo qoray waa ka duwan tahay oo xataa Deriskii baa Albaabada soo garacaay oo yidhi Subxaan allah sidee wax u jiraan.” Ayuu hadalkiisa kusoo gebogebeeyey xasan aadan samatar.

Fannaanka xasan aadan samatar, ayaa ka mid ah fannaaniinta loogu jecel yahay dhinaca dhegaysiga heesaha somalida, isagoo xilliyadii kooxdii waaberi ahaan jirey Hormuudka Fanka, waxana uu ka mid yahay fannaaniinta ugu heesaha Badan taariikhda Soomaalida.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed