|

Shabaabka Oo Beeniyey In Xubno Ka Tirsan Lagu Xidhay Dalka Uganda

Barawe:Sep,16,2014(SDN/QJ)-Kooxda ka dagaallanta Gudaha Somalia ee Al-shabaab ayaa si weyn u beenisay Warar ay baahiyeen Ciidanka ammaanka Dalka Ugana oo sheegayey inay gacanta ku hayaan xubno sare oo Alshabaab ka tirsan.

cali dheeereAfhayeenka ururkaa Sheekh Cali Dheere, ayaa isagu si cad u sheegay inaan xubno iyaga ka tirsan lagu qabanin magaalada Kambala sida ay ciidanka Uganda sheeganayaan.

Afhayeenka, ayaa wax dacaayad ah ku tilmaamay wararka la xidhiidha inay Uganda qabatay xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab, xilli ay qorsheynayeen inay weeraro ka fuliyaan Magaalada Kampala.

“Maalmahan waxaan warbaahinta ka maqlaynay warar dacaayaad ah oo ay faafinaysay dowladda Nasaarada Uganda oo ku aadanaa in ay fashilisay weerar ay mujaahidiintu qorsheeyeen oo gudaha Uganda ka dhici lahaa, wararkaasi waa been aan raad lahayn haba yaraatee majiraan weerar ay mujaahidiintu qorsheeyeen oo Uganda fashilisay.” ayuu yidhi Sheekh Cali Maxamuud Raage.

Sheekh Cali Dheere, ayaa warkan ku macneeyay mid lagu qarinaayo khasaaraha Ciidamada Uganda ka soo gaadhaaya, dagaalka ay kula jiraan mintidiinta Ururka Al Shabaab.

“Museveni markii ciidankiisu ku jabeen duullaanka Soomaaliya oo shacabka soomaaliyeed ogaadeen daban daabyadooda ayay bilaabeen in ay dadkooda ku mashquuliyaan dacaayad aan jirin oo ah in ay fashiliyeen weerar mujaahidiintu qaadi rabeen, haddii mujaahidiintu qorsheeyaan weerar way fulinayaan Insha’Allah suurtagalna ma aha in hay’adahooda ammaanka ay ka hortagaan camaliyaadka mujaahidiinta.” ayuu yidhi Cali Maxamuud Raage.

Cali Dheere wuxuu hadalkan ku sheegay Bayaan ay soo saartay Al Shabaab, oo xalay laga baahiyay Idaacada Andulus oo ku hadasha afka Shabaabka.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed