|

Khilaaf Kala Fogeeyay Hogaanka Sare ee Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Iyo Go’aamo Kala Duwan oo Labada Dhinac ee Muranku u dhexeeyo ay soo Saaree iyo Dawlada Dhexe oo soo Faro gelisay

Jig Jiga 16.Sep 2014 (SDN/QJ)- Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga ESPDP ayaa lagu soo gebogabeeyey Guriga Martida Qaryaan Dhoodaan ee Magaalada Jigjiga ee dalka Ethiopia.

Shirkan oo lagu soo magacaabay guddida qaban-qaabada shirweynaha Xisbiga oo ka kooban 9-xubnood, isla markaana talaabo lagaga qaaday saddex xubnood ka tirsanaa Guddida fulinta.

Sida ay tibaxayaan ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay sheegayaan Waxaa guddida fulinta laga saaray Madaxweyne kuxigeenka DDSI Cabdilaahi Yuusuf Weerar (Cabdilaahi Ethiopia),Wasiirkii arrimaha bulshada Cabdiraxmaan Gurey,Iyo Wasiir kuxigeenkii Warfaafinta Faaraxow, isla markaana waxay Golaha dhexe go’aamiyeen in xubnahaasi laga qaado xilalkii ay hayeen, waxaana cod lagu ansixiyay inuu Mawliid Haayir noqdo Madaxweyne kuxigeenka DDSI oo bedelaya booskii laga saaray Cabdilaahi Ethiopia.

Waxaanu warku intaasi ku darayaa inay Golaha dhexe ansixiyeen Afar xubnood oo lagu soo daray guddida fulinta Xisbiga ESPDP, Waxaanay magacyadoodu kala yihiin Jamaal Cusmaan (Jamaal Dheere), Wasiirka Kobcinta Awooda Khadar Cabdi Ismaaciil (Khadar Dheere),Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Liibaan Maxamed Daahir, iyo madaxa arrimaha xisbiga ee degmada Jigjiga Sheekh Xasan.

Sidoo kale,Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga ESPDP waxa lagu soo dhisay guddida qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga oo ka kooban sagaal xubnood, waxaanay kala yihiin sidan:

Cabdicasiis  Maxamed Cabdi Gudoomiye

Mawliid Haayir G/Ku xigeen

Axmed Maxamed Shukri Xubin

Khadar Cabdi Ismaaciil Xubin

Raxma Maxamud Haybe Xubin

Saadiq Xubin

Dr. C/Qaadir Iimaan Xubin

Fartuun Cabdi Mahdi Xubin

Jamaal Dheere Xubin

Dhinaca kale, Garabka  ka soo horjeeda Madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar ayaa shir ay shalay isugu yimadeen todoba xubnood oo ka mida Guddida fulinta Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida Ethiopia (XDSHSI) xaruntooda Magaalada Diridhaba ee dalka Ethiopia ayaa waxay xilkii guddida fulinta kaga qaadeen,Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar, Iyo Guddoomiyaha Xisbiga XDHSI Maxamed Rashiid, kadib markii muddooyinkii ugu danbeeyey uu muran soo kala dhexgalay.

Waxaanu warku intaasi ku daray inuu shirkaa shirguddoominayay Xoghayaha Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida Ethiopia (XDSHSI) Cabdilaahi Yuusuf Weerar (Cabdilaahi Ethiopia) ayaa kulankaasi ka akhriyay sababha keenay xilka qaadista wakhtiga iyo weliba cidda ay ku bedelayaan-ba.

Wararkii ugu danbeeyey ayaa sheegaya labada garab ee khilaafku ka dhaxeeyo inay soo kala dhexgashay Dawlada Dhexe ee dalka Ethiopia si ay u soo afjarto murankaasi hadheeyey.

Dhinaca kale Shir ay Doraad isugu yimadeen todoba xubnood oo ka mida Guddida fulinta Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida Ethiopia (XDSHSI) xaruntooda Magaalada Diridhaba ee dalka Ethiopia ayaa waxay xilkii guddida fulinta kaga qaadeen,Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar, Iyo Guddoomiyaha Xisbiga XDHSI Maxamed Rashiid, kadib markii muddooyinkii ugu danbeeyey uu muran soo kala dhexgalay.

Warku waxa uu  intaasi ku daray inuu shirkaa shirguddoominayay Xoghayaha Xisbiga Dumyqraadiga Soomaalida Ethiopia (XDSHSI) Cabdilaahi Yuusuf Weerar (Cabdilaahi Ethiopia) ayaa kulankaasi ka akhriyay sababaha keenay xilka qaadista wakhtiga iyo weliba cidda ay ku bedelayaan-ba.

Dawlada Dhexe ayaa damacsan in Xili doorasheedka soo Socda aanu Madaxweynaha Haatan soo gelin isla markaana waxay ku hawlan tahay Sidii ay u heli lahayd Mas’uul uga dhego nugul Mr Iley

Jig Jiga SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed