|

Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo Shaaciyey Inay Dawladda La Wadaan Wada-hadallo Dib Loogu Eeegayo Muranka Diiwaangelinta Madaniga ah Ka Taagan

Hargeysa:Sep,15,2014(SDN/QJ)-Labada xisbi Mucaarid ee Waddani iyo Ucid ayaa manta si rasmi ah u shaaciyey inay wadahadallo lagu xallinayo muranka diiwaangelinta Madaniga ah la  fureen xukuumadda Somaliland.

eeXoyhaya-yaasha Guud ee  Labada xisbi mucaarid oo manta shir jaraa’id si wada jir ah ugu qabtay xarunta Xisbiga waddani ayaa shaaciyey inay socdaan wadahadallo la doonayo in  xal lagaga gaadho khilaaka ka dhashay labada diiwaangelinood ee isa saaran ooh ore axsaabta mucaaridku u qaadaceen.

Labada xoghaye waxa ay sheegeen inay rajaynayaan inay wada Hadalladaas kazoo bixi doonaan qorshe lagu qanco oo dalka u horseedi kara in laga galo diiwaangelin ku qabsoonta xilligii loogu talo  galay, isla-markaana ay kasoo bixi karto natiijo wax ku ool ahi.

Waxa ay axsaabta mucaaridku sheegeen in qorshahaas yahay mid xukuumadda iyo  labada xisbi-mucaarid wada wadaan, kaas oo lagu doonayo in heshiis xukuumadda iyo mucaaridka dhexdooda ka qabsooma lagu gaadhi  karo.

Waxa ay sidoo kale ku adkaysteen in qaadacaadii ay hore u dhawaaqeen Halkeedi tahay, balse ay haatan isla garteen in arrinta la isla eego oo wixii turxaan ah si wada jir ah looga wada saaro.

Axsaabta mucaaridka ahi waxa ay sheegeen inay dhawaan shacabka u sheegi doonaan waxa kasoo  baxa wada hadalka ay la  galeen xukuumadda oo iyadu wadata qorshe la doonayo in labada diiwaangelinood ee Codbixiyayaasha iyo Midda madaniga ah la isku qoofalo.

Lama garan karo natiijada kasoo bixi karta wada Hadallada ay  Mucaaridku sheegeen inay xukuumadda la galeen, mana jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya  jiritaanka wada Hadalladan oo kasoo baxay dhinaca xukuumadda Somaliland ooh ore u sheegtay inay diyaar u taha inay labada Diiwaangelinood hal xeer ku midayso.

 

SDN/QN

Timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed