|

Tirada Dalalka Shaaciyey Inay Ka Qaybgeliyaan Dagaalka Ka Dhanka ah Kooxda Daacish Oo Afar Dal Madaxa La Gashay

Baqdaad:Sep,15,2014(SDN/QJ)Waxa aad kor ugu kacday Tirada dalalka shaaciyey inay diyaar u yihiin ka qaybqaadashada dagaalka maraykanku kaga soo horjeedo Kooxda Daacish eek u sugan Dalalka Syria iyo Ciraaq.

qqXoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in ilaa afartan dal ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya ee IS.

Mr Kerry oo dhowaan booqasho ku tagay dalal ka tirsan Bariga Dhexe ayaa sheegay in si wada jir ah uga qeyb qaadan doonaan dagaal lagu qaado kooxda IS, kadib markii qatarta kooxdaas ay sii xoogeysatay.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa marti gelinaya shir caalami ah oo maanta ka furmaya Paris, kaasoo madax fara badan oo caalamka ka socda ka qeyb galayaan, waxaana looga hadli doonaa arrinta IS.

Mr Hollande ayaa sheegay in qoor-goyntii muwaadinkii British-ka ahaa ee ka shaqeynayay dhinaca sama falka uu caalamka tusiyay sida lagama maar-maanka ah in tallaabo adag laga qaado kooxda IS.

Ilaa 40 dal oo ay ku jiraan 10 ka mid ah dalalka carabta ayaa saxiixay inay ku biiraan isbaheysi uu hogaaminayo Mareykanka, kuwaasoo ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya.

Dalalka Carabta ayaa sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan duqeymo xaga cirka ah oo lagu qaado dagaalyahanada IS ee ku sugan Ciraaq

 

SDN/QN

Timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed