|

Cali Khaliif oo Magacaabay Gole Wasiirro oo ay Ku Jiraan Xubno Somaliland Xilal wasiirnimo Kasoo Qabtay

Eerigo:Sep,15,2014(SDN/QJ)-Cali Khaliif Galay ooh ore u shaaciyey inuu Madax u yahay Maalka dibadwareegga ah ee KHaatumo oo ku dhawaaqay xubno uu ku sheegay inay Yihiin Golaha wasiirada Maamulkiisa.

22Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Galaydh,ayaa lagu magacaabay toddoba wasiir iyo hal wasiiru-dowle oo ka tirsanaan doona golaha cusub ee wasiirrada maamulka.

Xubnaha loo magacaabay in ay wasiirro ka noqdaan maamulka Khaatumo ayaa kala ah, sidatan, iyadoo ay xubno ka Yihiin qaar hore Somaliland uga soo qabtay Xilal wasiirnimo:

1. Maxamed Cali Cartan, oo loo magacaabay wasiirka arrimaha dastuurka iyo federaalka,

2. Mukhtaar Ciise Faarax, oo loo magacaabay wasiirka macdanta iyo biyaha,

3. Xasan Muuse Cawl oo loo  magacaabay wasiirka maaliyadda,

4. Axmed Gacmo Yare oo loo magacaabay wasiirka warfaafinta,

5. Kayse Cabdi Yusuuf oo loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta,

6. Faarax Cadde Faarax oo loo magacaabay wasiirka arrrimaha bulshada,

7. Ismaaciil Axmed Cali oo loo magacaabay wasiirka amniga, iyo

8. Ibraahim Guure oo loo magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda xannaanada xoolaha.

Lama shaacin tirada rasmiga ah ee uu ka koobnaan doono goluhu,   hase yeeshee wararka laga helayo maamulka ayaa tilmaamaya in la magacaabi doono xubno kale, si loo dhammays tiro golaha wasiirrada maamulka.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo, Prof, Cali Khaliif Gallayr oo madaxweynaha maamulka Khaatumo loo doortay 14-kii August ee sannadkan ayaa ku howlan dhammaystirka hay’adaha maamulka.

Prof Galaydh ayaa Ilaa iminka aan lahayn Deegaan rasmi ah oo Maamulkiisi ka taliyo iyadoo Tuulada Saax dheer  oo Mudaba u ahayd Fadhiisin ay ka baacsadeen Ciidanka Qaranka Somaliland Xiligaas oo uu firxad ku galay Dhanka Xuduuda Itoobiya.

Dhanka kale Sawir Gacmeed laga sameeyay Prof Galaydh ayaa Muujiaya isagoo God ku jira halkaasna ka soo Fulinaya awaamiirtiisa.

 

SDN/QN

Timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed