|

Madaxweyne Siilaanyo Oo markii ugu horraysay ka Hadlay Macluumaadka ku Hoos jira Miisaaniyadda sanadka 2015-ka

Hargeysa:Sep,15,2014(SDN/QJ)-Madaxeynaha somaliland Mudane Axmed Siilaanyo, ayaa markii ugu horaysay ka Hadlay waxyaabaha ay xambaarsan tahay Miisaaniyadda Sanadka 2015-ka  oo dhawaan xukuumaddiisu Golaha wakiillada horgeyn doonto.

12Madaxweyne Siilaanyo oo qoraal kooban ku faafiyey barta twitter-ka ee bulshadu ku xidhiidhaan, waxa uu sheegay in odoroska miiisaaniyad-sannadeedka 2015 ay xambaarsan tahay mashaariic kala duwan oo dhinaca horumarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ah.

“Golaha Wasiirradu waxay ansixiyeen miisaaniyadda sannadka 2015, waxana ku jira mashaariic dhinaca horumarka ah, dhismayaasha waddooyinka iyo adeegyada caafimaadka,” ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku yidhi qoraalkiisa.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa tilmaamay in odoroska miisaaniyadda 2015 ee golihiisa wasiirradu ansixiyeen lagu daray dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka, balse wax faahfaahin ah kama uu bixin xaddiga lacagta xukuumaddiisu u qoondaysan arrimaha doorashooyinka.

Odoroska miisaanad-sannadeedka 2015 waxa ay dhan tahay $251,300,000 doollar (laba boqol, konton iyo kow milyan, saddex boqol oo kun), waxaanay u kala baxaysaa saddex qaybood oo kala ah; $180 milyan oo miisaaniyadda dawladda dhexe ah, $27 milyan oo dawladaha hoose ah iyo $29 milyan oo ah miisaaniyadda hay’adaha madaxbannaan, kuwaasoo ay ku jirto lacag dhan $14 milyan oo deeqaha Somaliland hesho ah.

Miisaaniyadda waxa loo gudbin doonaa Golaha Wakiillada oo awood dastuuri ah u leh inay ka doodaan, wax-ka-beddel ku sameeyaan ama sideeda u ansixiyeen, taasoo haddii ay Wakiillada ka gudubto dhaqan-gal noqon doonta bilowga sannadka soo socda ee 2015.

 

 

SDN/QN

Timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed