|

Murankii Xeerarka Is barkan ee Diiwaangelinta oo Galaaftay Mushaharkii Shaqaalaha Golaha Wakiilada iyo Aragtida Xildhibaan Qabile DAAWO

Hargaysa 15.Sep 2014 (SD/QJ)- Shaqaalaha  ka hawl gala  Xarunta Golaha Wakiiladda Somaliland ee Hargeysa,ayaa Shalay shaqo joojin sameeyay ka dib markii la laga jaray  mushaharkii ay qaadanayeen  qadar ka mid ah sidaana waxaa xaqiijiyay oo ka hadlay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland.

Xildhibaan Qabille waxaa kale oo uu Xukuumadda ku eedeeyay in ay shaqaale hoosaadka dalka cunaha qabanayso oo ay bakhtiisay isla markaana ay kuwo aan baahnayn ay wax ugu dartay intay hore u qaadan jireen waa sida uu hadalka u dhigay e.

Xildhibaan qabile waxaa kale oo uu ka hadlay isla markaana uu walaac weyn ka muujiyay miisaaniyadda sanadka 2015 oo dhawaan golaha la hor keeni doono oo uu sheegay in ay tahay mid dadka danyarta ah iyo shaqaalaha dawladda ee ah dabaqada hoose in lagu dulmiyayo isagoo xildhibaanku sheegay in aanu haddii sidaa lagu ansixiyo isagu ka mid noqonayn kuwa farta u taaga.

Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com

Comments are closed