Ciidan Milateri ah oo la Wareegay Hawsha Nabadgalyo ee Xarunta Dawlada Hoose ee Boorama iyo Maayarka oo ka hadlay
Boorama 15.Sep 2014 (SDN/QJ)- Waxa markii u horaysay taariikhda dawlada Hoose ee Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal la wareegay sugida amnigeeda Ciimada Military-ga, kadib markii tahli kari-waayeen sugida amniga ciidamadii booliska ee ilaalada xarunta dawlada Hoose.
Arrintani ayaa ka yaabisay shacab-wenaha Magaalada Boorame, isla markaana aad looga hadal-hayo, talaabada ay amniga dawlada Hoose ee Magaalada Boorame kula wareegeen Ciidamo Military-ga
Maayarka Magaalada Boorame Saleebaan Xasan Xadi ayaa sharaxaad ka bixiyay sabahaha keenay inay dalbadaan ciidamo military oo ka hawlgala Dawlada Hoose, waxaanu yidhi “Muhiimadu waa sugida Amniga iyo habsami u socodka shaqada, waxay ahayd shalay markii ay xildhibaano qas wadayaal ahi isku dayeen inay is hortaagaan hawsha aan dadweynaha u hayno, iyaga oo talaabo amni daro abuuri kartay ku kacay, si aanay taasi u dhicin ayaan dalbanay ciidan suga amniga xarunta Dawlada Hoose ee Boorama si ay shaqadu u socoto”
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Guud ahaan degmada iyo gobolkaba ma joogaan ciidan ku filan oo boolis ah oo hawsha sideeda u qaban kara, hore masuuliyiinta heer gobol iyo degmo waxaan u waydiisanay ciidan boolis ah,mana suura-galin inay nasiiyaan, culeyska ay ciidan boolis la’aanta ahi leedahayna waan u sheegnay oo aan gaadhsiinay saraakiisha sare ee ciidanka ee ay khusayso, welina lagama soo jawaabin, caqabadahaas is-biirsaday ee jira ayaa maanta ay ka fursan wayday in aan ciidan Milatari ah waydiisano saraakiisha u madaxda ah ciidanka qaranka, sifahaas ayayna ku yimaadeen, waxaana ay ku hawlan yihiin ilaalinta amniga guud ee xarunta Dawlada Hoose ee degmada Boorama”
Boorama SDN/QJ
contact@qurbejoog.com