|

Mid ka Mid ah Tiirarkii Waxbarashada Somaliland oo Maanta Geeriyooday

Hargaysa 14.Sep 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa, Bahda Waxbarashada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Prof. Cabdi Haybe Cilmi  oo ku geeriyooday Maanta Magaalada Hargeysa.

siilaanyo-2Marxuumka oo ka mid ahaa Odayaashii ka soo qaybqaatay dhismaha waxbarashada Dalka, nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, xilal kala duwana ka soo qabtay Jaamacadaha Dalka siiba Jaamacada Hargeysa iyo berbera.

Waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay tiir ka baxay bahda waxbarashada soona saaray ubaxa dalkani ku faanayo ee aqoonta iyo cilmiga u soo bartay dalkooda, waxaanu iftiimiyey madaxweynuhu in uu kaalin muhiima inagaga baxay marxuumku.

Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan Bahda Waxbarashada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

Dhanka Kale Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, qaraabadii, asxaabtii, bahda waxbarasha iyo dhamaan shacbi waynaha Somaliland ee uu ka baxay Marxuum prof, Cabdi Haybe Cilmi oo ahaa gudoomiyihii hore ee jaamacada hargaysa , wuxuu marxuumku qayb libaax ka soo qaatay horumarinta waxbarashada sare ee Somaliland.

Gudoomiye Biixi wuxuu Alle uga baryayaa marxuumka inuu u naxariisto dhamaanteena samir iyo iiman inaga siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed