|

Dad Somalia ah Oo Lagu Xidhxidhay Kambala Iyo Sababaha Loo Haysto

Kambala:Sep,14,2014(SDN/QJ)-Tiro katirsan Somalida Deggen Magaalada Kambala ee caasimadda dalka Uganda, ayaa xabsiga loo taxaabay xilli ay ciidanka ammaanku si weyn u baadhayaan deegaanada dadka somalida ahi deggen yihiin.

kambHawlgallo ciidanku muddo saacado ah ku wadeen xaafadaha somalida, ayaa wararku sheegayaa in ugu yaraan ilaa Saddex ka mid ah shacabka soomaaliyeed ee Halkaas deggen lagu xidhay oo haatanna ay gacanta cidanka ku jiraan.

Hawlgalkaan, ayaa waxaa lagu sheegay mid looga hortagaayay weeraro ay Shabaabku ka geystaan Magaalada Kampala, ka dib markii uu Boolisku helay in uu duulaan kaga soo wajahan yahay Al Shabaab.

Ciidamada Uganda waxay gudaha u galeen laba hoteelo oo ay Soomaalidu lee dahay, kuna yaal xaafada Kisenyi, waxayna ka sameeyeen hawlgal xoogan oo saacado xidhiidh ahaa qaatay. Waxaynta intii uu hawlgalku socday diideen in gudaha loo galo hoteelka iyo in laga soo baxaba.

Gaba gabadii hawlgalka, ayaa waxay Ciidanka Uganda hore u sii kaxeysteen ilaa saddex ruux oo Soomaali ah, oo ay la xiriiinayaan Ururka Al Shabaab, iyagoona sheegay in baadhitaano ku samayn doonaan.

Ciidamadu waxay raaligelin u jeediyeen Soomaalida ku dhaqan xaaafada Kisenyi, intii ay baadhitaanada ka wadeen xaafadaasi, sida laga soo xigtay Somaalida degan Kisenyi.

Soomaalidu waxay kaloo sheegtay in hawlgalka ceynkani oo kala ah uu noqonaayo, noociisii ugu horeeyay oo ay Xoogaga Uganda ka sameeyaan xaafada Kisenyi.

Safiirka Somaliya ee dalka Uganda Sayid Axmed Sheekh Daahir, ayaa waxa uu sheegay inaanay Dowladda Uganda ku soo wargelin qorshihii lagu galay xaafada Kisenyi.

Safaarada Mareykanka ee Kampala ku lee dahay, ayaa ka digtay weeraro argagaxiso oo ka dhaca Kampala, waxayna Muwaadiniinta Mareykanka ku boorisay inaanay guryahoodu ka bixin.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed