|

Xubnihii Qabanqaabada Shirweynaha Shanaad Ee Solja Oo La Kala Diray Oo Murankii Oo Dib u Curtay

Hargeysa:Sep,14,2014(SDN/QJ)-Hoggaanka sare ee Ururka suxufiyiinta Solja, ayaa sheegay inay kala direen Xubnihii qabanqaabada u ahaa shirweynaha soo jiidatayey ee ururku doonayey inuu HOggaan cusub ku yeesho.

xasan maxamed yuusufShir jaraa’id oo uu guddoomiye Xasan maxamed Yuusuf iyo Xoghayaha Guud ee Ururkaasi ku qabteen shalay magaalada Hargeysa, ayey ku caddeeyeen inay kala direen  xubnihii ururku u igmaday inay qaban qaabiyaan shirweynahooda shanaad,maadaama  xubno ka mid ahi iscasilaadooda soo gudbiyeen.

Xasan maxamed Yuusuf  waxa uu sheegay in loo baahday in Xubnaha qabanqaabada shirweynaha la kala diro, isagoo ku andacooday in tiradii badnayd qaarkood is casileed xubin kamid ahina xanuunsanayso,“Saaka waxa la ii keenay warqad is casilaad ah oo saddex xubnood oo Guddida ka mid ahi isku casileen, ninkii ugu weynaana wuu xanuunsanayaa oo dhakhtarkuu yaalla waana xuuto, markay afar xubnood meeshii ka maqan tahay waxa soo hadhay saddex xubnood, waxana ii muuqatay guddoomiye ahaan in hawshu u baahan tahay in dib u eegis lagu sameeyo.” Ayuu yidhi Xasan maxamed Yuusuf.

Guddoomiye Xasan ayaa sheegay in Hannaanka loo xulay Gudddida qabanqaabadu ahaa mid sharcidarro ahaa, isla-markaana Baalmarsan hannaankii ku haboonaa ee loo magacaabo, taasina ay kamid tahay qoddobada keenay in Guddida la kala diro, waxana uu yidhi,

“Xubnihii Guddida Fulina saaka waanu iskugu yeedhnay waxana aanu soo saarnay Go’aamo, qaabka Xubnaha loosoo xulayna waa qaab Baalmarsan Sharciga ururka xubno laba boqol iyo sagaashan ku dhaw Hay’ad qudha oo loo soo gudbiyey oo xubnahaasaa iigu jira mma jiro, waxana aanu kala dirnay Xubnihii  shirweynaha shanaad ee Ururka Solja oo ka koobnaa Toddob Xubnood.”

Arrintan ayaa laga yaabaa inay dhaliso muran hor leh oo soo kala dhex gala xubnaha Ururka Solja oo inta badan fadhiid ah, waxana laga filayaa in qaar kamid ah xubnaha la kala diray dhawaan hadlaan iyagoo ka cabanaya in lagu gefay.

Shirweynaha shanaad ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa muddo dhawr bilood ah soo jiitamayey, waxana la isku afgaran waayey Hannaanka loo wadayo hawsha shirweynaha oo muddo dhaaftay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed