Uganda oo fashilisay weerar ay Al-Shabaab ka geysan rabtay Kampala
Kampala 13.Sep 2014 (SDN/QJ)- Ciidamada ammaanka Uganda ayaa ka hor-istaagay unug ka tirsan kooxda Al-Shabaab inuu weerar ka geysto caasimadda dalka ee Kampala, safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay maanta oo Sabti ah.
War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka Uganda ay sameeyeen howlgal lagu fashiliyay unug ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa Kampala.
Afhayeenka booliska Uganda, Fred Enanga ayaa xaqiijiyay in ciidanka ay howlgalka ku xireen dhowr xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.
Wasiirka arrimaha gudaha Uganda ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen saraakiisha laanta socdaalka lagu xiray 69 qof oo lagu eedeeyay inay si sharci darro ah uga shaqeysanayeen qeybo ka tirsan caasimadda Kampala.
Weriyaha Bar-kulan ee Kampala ayaa ku soo warramay in ciidamada ammaanka Uganda ay galeen hoteel ganacsade Soomaali ah uu ku leeyahay caasimadda oo lagu magacaabo Qudus.
Lama oga in labada howlgal uu xiriir ka dhaxeeyo iyo in kale.
Ciidamada ammaanka ayaa adkeeyay goobaha muhiimka ah sida garoonka diyaaradaha Entebbe iyo xarumaha dowladda.
Kampala SDN/QJ