|

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo ka Hadlay Ahmiyada Shir Maalgashi oo uu kaga qayb galay Dubai DAAWO

Hargaysa 14 Sep 2014 (SDN/QJ):Gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi ciro  ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu mudo seddex cisho ah ku maqaan wadanka isutaga imaaraaka carabta oo uu kaga qayb-galay shir caalamiya oo laga wada hadlayay maalgashiga qaarada afrika,gudoomiye cirro oo saaka markii uu kasoo degay madaarka warbaahinta uga xog-waramay shirka maagashiga ahaa ee uu ka qaybgalay ayaa waxa uu ku bilaabay hadalkiisa sidan,

 

Photo Fille

Photo Fille

“ Waxa aan ka soo noqday Wadanka imaraadka carabta   oo aan kaga qaybgalaya aniga iyo wafti kale oo balaadhani shir ku saabsan maalgashiga oo loo qabtay dalalka Galbeedk Afrika ,

Shirkaas oo ilaa 8 Wadan Iyo Madaxweyne yashoodii  iyo madax kale iyo wasiiro-iyo  dadkle oo farso yaqoono ah  ay ka soo qayb-galeen,waxa kale oo ka soo qayb-galay dadk maalgashiga sameeya ,ama hanoqdaan dalal ama shirkado hanoqdaane ama baananba”, Ayuu Yidhi Gudoomiye Cirro

Isagoo hadalkisa sii Wata Waxa Uu yidh”waxa uu ahaa shirkaasu fooram aad u wayn oo la isugu yimi,shirkaas intii uu socda  iyo intii uu dhammaday  ka diba waxa aanu la kulanay masuuliyiin kala gedisan oo dalalkaas ka socday iyo qaar maalgashayaasha  ka socadayba oo aanu Somaliland xaladeed uga xog-waranay dad badan ku dhiirinay inay Somaliland maalgashi ka sameeyaan,

Dalalkaas dhinaca siyaasada Somaliland waanu  kala hadalnay intii ugu badnay ee suurtagalka ahayd Qadiyada Somaliland iyo gooni isu taageedaba iyo xidhiidh wanagsan mid shacabi iyo  mid dowladeed iyo mid baarlaanba inaynu yeelano  wadamadaas  ,waxa aan isleeyahay u jeedadii aanu u tagnay halkaasi way suurto gashay,Ayuu ku soo gebagebeeyay Gudoomiye Cirro Hadalkii

Hargaysa  SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed