|

Gudoomiye C.raxmaan Cirro oo Maanta Xeelad Dublamaasiyadeed ka Sameeyay Golaha Wakiilada iyo Mudanayaasha Muxaafidka ah oo Isku Shubay Madaxtooyada

Hargaysa 13.Sep 2014 (SDN/QJ)- Fadhigii Saaka ee Golaha Wakiilada ayaa waxa ka dhacay dhacdo la yaableh ka Dib markii Guddoomiye Ku-xigeenada Kowaad iyo Labbad oo  fadhigaasi Shirguddoominayeen ay xildhibaanada u qaybiyeen  Xeerka Diwaangalin oo dhawan gollaha la horkeenay, inkasta oo aanu Buuxin koromku ayaa hadda si dhakhso ah loo furay fadhigaasi, waxana xildhibaanada Muxaafidku ay ku doodayeen in Duudub lagu ansixiyo Xeerkasi iyada oo Xildhibaanada kalena ku doodayeen in la soo akhriyo, xaaladu markii ay halkaasi ay  maraysay ayaa  waxa meesha ka dhacay Buuq iyo sawaxan  keenay in muddo Goluhu Gallo muran.

CirroMuddo yar kadib ayaa waxa albaabka ka soo gallay Guddoomiyaha Golaha wakiilada oo safar ugu maqnaa dalka Imaraadka carab oo uu shir kaga qaybgalayey Guddoomiyaha ayaa  isla saacadu yimid waxa uu ka qaybgalay fadhigaasi oo markii hore uu Shirguddoomiyey Guddomiye Kuxigeenkiisa Beeshe,  isaga oo dhegeystay murankii ka taagnaa Xeerka Diwaangalinta ee Saaka loo qaybiyey, Guddoomiyaha ayaa waxa uu isla markiiba ku dhawaaqay in xeerku gollaha uu hor oolidoono kadibna  loo yeedhidoono Guddida Doorashooyinka qaranka si ay uga hadlan xeerkan oo ah mid muran baddan ka taagnaa muddooyinkii ugu danbeyey, wax akale oo Cirro uu sheegay in xeerkan uu ka Buuxo khaldaad badan loona bahan yahay in Komishanka lagga wareeysto,  sidasuna Guddoomiye Cirro ku xidhay gollaha.

Intaasi markii ay dhacday aya Xildhibaanada Muxaafidku ku dhawaaqeen hal ku dhigayo ay ka mid ahaayeen  guddoomiyaha gooluhu waxa uu sameyey Inqilaab aan dhiig ku daadan iyaga oo isla markiiba madaxtooyada oo  xeerkan dabbada ka riixaysay isku shubay.

Dhawaan ayey ahayd markii Xisbiyada Mucaaridku Qaadaceen Diwaangalinta Madaniga ah waxanay u muuqada in mucaaridku gollaha ka bilaabeen oolole ay kaga hortagyaan xeerkasi in la ansixiyo.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed