Wasiir Samaale oo Iftiimiyay Meelaha uu Odoroska Miisaaniyada Sannadeedka Soo Socdaa Mudnaanta Siiyay
Hargaysa 13.Sep 2014 (SDN/QJ) Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md.Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa faahfaahin ka bixiyey miisaaniyad sannadeedka 2015-ka, waxaanu xusay inanadkan mudnaanta la siiyey doorashooyinka madaxtooyada, wakiilada, iyo diiwaan-gelinta, waxaanu tibaaxay in miisaaniyadani ay ka badan tahay miisaaniyadii sannadkii hore ee 2013-kii.
Wasiirka oo tafaasiil ka bixinaya inta ay dhan tahay tirada miisaaniyada sannadkan iyo sida ay dawlada dhexe iyo dawladaaha hoose u kala leeyihiin ayaa yidhi
“Miisaanuyad sannadeedka sannadka 2014-ku, waxa ay dhan tahay 251 Milyan oo dollar (laba boqol iyo kow iyo konton Milyan), miisaaniyadda dawlada dhexe waxa ay dhan tahay ($180 milyan), (boqol iyo sideetan Milyan oo Dollar), halka miisaanniyada dawladaha hoose ay tiradeedu tahay 27 milyan oo dollar , hay’addaha madaxa banaana waxa ay dhan tahay 29 Milyan oo dollar, Dakhliga naga soo galaya deeqaha Caalamiga ahina waxa uu dhan yahay 14 Milyan Dollar, isku darkooduna waxa weeye 251 Milyan iyo saddex boqol oo kun oo Dollar”
Wasiirka oo sharaxaad ka bixinaya qorshaha meelaha ay miisaaniyadu ku kala baxayso ayaa yidhi “ Sannadkan waxa mudnaanta koowaad la siinayaa doorashooyinka Madaxtooyada, Wakiilada iyo Diwaan galinta. sidoo kale, waxa mudnaanteeda leh arrimaha nabadgelyada, sida sanaada iyo qalabka ciidamada, waxa kale oo jira Mashaariic-da waddooyinka, xannaanada xoolaha, Beeraha iyo dhismeyaal kala duwan oo wasaaraddaha ah”.
Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale sharaxay korodhka Miisaaniyadda iyo meelaha ay ka soo xarooto. Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu faah-faahin ka bixiyay korodhka miisaaniyad sannadeedkan, iyo meelaha uu dakhligu ka soo xaroonayo, waxaanu yidhi “Runtii Arsaaqda ILAAHAY-baa (SW), bixiya, marka ILAAHAY, wax kula qabanayana wax walba wuu kuu fududeeyaa, run ahaanti, miisaaniyadu sanad walba way korodhaa, sanadkan waxay Miisaaniyaddu ka badan tahay sanadkii hore boqolkiiba sideed iyo toban 18%, Illaahay wuu noo fududeeyay dadkuna si fiican bay u bixiyaan.inta badan Dakhligaasi waxa uu naga soo gala Cashuuraha barriga iyo kastamada kala duwan, waanuna u mahadnaqaynaa Umadda Somaliland ee bixisa Cashuurta”
Wasiirka maaliyadu waxa uu ku dooday in miisaaniyada sanadkan xoogga la saaray doorashooyinka, waxaanu wax lala yaabo oo lagu qaslo ku sifeeyay waa sida uu hadalka u yidhiye walaaca ay mucaaridku ka muujiyeen qabsoomida doorashooyinka, isaga oo sheegay in xukuumad ahaan ay diyaariyeen saamigii dhaqaalihii lacageed ee kaga soo hagaagay qabashada doorashooyinka.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com