Ma Dhabaa In Somaliland Cali Khalif Galaydh Wada Hadal La Bilawday
Hargeisa 13/9/2014(SDN/QJ) Wararka ay Qorayaan Qaar ka mid ah Warbaahinta Taageerta Cali khaliif Galadh ayaa Maalmahan Dabacaysay Warar Sheegaya in Somaliland Biloowday wadda hadal ay la furayso Siyaasi Cali Khaliif Galadh oo Dhawaan Sheegtay in uu yahay Madaxweynaha Maamulka Khaatumo oo uu ka yagleeyay Deeganka Saax-dheer Basle Ciidamada Somaliland ka Sareen Deegankaasi isaga oo wakhtiyadii danbe ku sugnaa Gudaha Dalka Itoobiya. Wararku waxay intaasi ku darayaan in Xubno ka soo jeedda Deeganka Saax-dheer oo Odeyaal ahi warbaahinta u sheegen in Galaydh Damacsan yahay in Somaliland uu la hadlo Xilna uu u doonto isaga iyo Xubno Ku jirra maamulkii uu kaga dhawaaqay Saax-dheer, Odeyaashan oo Qaar kood ka soo Horjeedan Arrinta Cali Khaliif Galaydh ayaa waxay ku tilmaameen Qorshaha Cali khaliif Galaydh in uu yahay Mid aan Faa’ido u lahayd dadka deeganka, kanana Fillayn in uu arrimo noocasi ah uu ku dhaqaaqo. Halka Odeyaal Taageersan ay sheegen in waxa walba ka horeyso Nabaddu isla markaan Haddii Somaliland wadda hadal lala Furan waxa dhib ahi aanay ku jirin. Illaa Haatan ma Cadda Qorshaha Cali Khaliif Galaydh basle marka la Eggo Qudbadihii ugu danbeyey ee uu jeediyo ayaa ahaa qaar aan siddasi u Fogeyn, isaga oo sheega in uu somalialdn la hadlayo wixi dhib ee jirta wanaag laggu xaliyo, Haddii Xukumada Somaliland soo Xerrogaliso Siyaasi Galaydh ayaa waxay noqonysaa Guul Siyaasadeed oo u soo hoyatay shacabka Somaliland, islamarkaan lo bahan yahay wixii tasho ah ee ay Qabban Siyaasiyiinta deegankasi lagga jawaabo
Hargeisa SDN/QJ
Maxamed@Qurbejog.com
Conacat@somalidiasporanews.com