|

Kenya Oo Xabsiga Dhigtay Mudane ka tirsan Golaha Barlamanka Somalia, Ahaana Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga somalia

Nairobi:Sep,13,2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya ciidanka ammaanka dalka Kenya, waxa ay sheegayaan in Kenya xabsiga dhigtay Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Somalia, ahan Guddoomiyaha Guddida difaaca Baarlamaanka Somalia Xusen carab ciise.

iseegCiidamada Kenya ayaa waxaay wasiirkii hore ee Gaashandhiga Somalia Xusein Carab Ciise ku soo eedeeyeen in u kala gudbinayay Daroogo taas oo uu in mudo ahba ka ganacsanayay sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya.

Waxa sido kale Ciidamada Booliska Wadanka Kenya ay Wasiirki hore ee gaashandhiga Somalia ku haystaan danbiyo kala duwan oo uu ka galay wadanka kenya .

Xusein Carab Ciise ayaa waxaa hada lagu hayaa mid ka mid ah Saldhigayada Qarsoon ee Ciidamada Kenya ku leeyihiin Magaalada Nairobi, mana jirto cid madax bannaan oo caddaynaysa warka kasoo baxay ciidanka boliska oo xaqiijinaya Xadhiga Xildhibaanka.

Sidoo kale Ma jirto cid ka hadashay xadhiga Wasiirki hore ee gaashandhiga Somalia Xusein Carab Ciise haddii ay  tahay Dowlada Fadaralka Somalia ama Ururada kale ee Caalamiga ah.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed