|

Haweenka Somalida Oo Hoggaanka u Haya Quruxda Dumarka Qaarada Afrika

Muqdisho:Sep,13,2014(SDN/QJ)-Waxa soo baxaya Wararka kor loogu qaadayo bilicda iyo quruxda Haweenka soomaaliyeed, waxana Warbaahinta caalamku ku tilmaameen inay Kaalinta Koowaad kaga jiraan Quruxda dumarka ku nool qaaradda Afrika.

qurux Shabakada Caalamiga ah ee starrfmoniline.com, ayaa daabacday in dumarka ku nool dalalka Somaliya,Djibouti iyo Ghana ayaa ah kuwa ugu quruxda badan wadamada qaarada Afrika.

Shabakadan ayaa qortay in haweenka Ghana ay noqdeen kuwa saddexaad ee ugu quruxda badan Afrika marka loo fiiriyo codbixin ay shabakadu samaysay taasoo haweenka Soomaaliyeed ay ugu sare mareen halka dalka Djibouti ay hablahoodu ka galeen kaalinta labaad, waxayna codbixintan u aqoonsatay haweenka Soomaaliyeed kuwa ugu quruxda badan qaarada Afrika.

Marka laga soo tago dalka Ghana oo kaalinta saddexaad galay ayaa waxa ay wadamada kale ay u kala hormareen sidan Egypt, Eritrea, Ethiopia, Morocco, Kenya, Kenya, Rwanda iyo Seychelles waxaana wadanka ugu hooseeya ee kaalinta 54aad uu noqday dalka Jamhuuriyada Bartamaha Afrika.

Inkastoo dalka Car uu codbixintan ka galay kaalinta ugu hooseysa ayaa hase ahaatee waxaa ku jira tobanka dal ee ugu hooseeya dalalkaRepublic of Congo, 53; Swaziland, 52; Guinea Bissau, 51; Burkina Faso, 50; Equatorial Guinea, 49; Lesotho, 48; Malawi, 47; Chad, 46 iyo Democratic Republic of the Congo (DRC), 45.

Codbixintan ayaa waxaa laga sameeyay dad booqday bogga shabakada samaysay taasoo sawiro muujinaya haweenka qaarada Afrika lagu soo bandhigay iyadoo inta yidhi ‘like’ ama ‘dislike’ ay ahayd tirada la tiriyay. Waxaana sida muuqata ugu badnaa haweenka dalka Soomaaliya dadka booqday ee gujiyay ‘like’.

Waxaana muuqata in codbixintan ay ka duwan tahay kuwo hore loo sameeyay oo dalka Soomaaliya uu mar walba ka gali jirey kaalinta ugu hooseysa sida dalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed