Dhiigga iyo Dheecaanada Dadka Ka Bogsaday Eebolaha Galbeedka Afrika Oo Safaf Dhaadheer Loo Galay Iibsigiisa
Monrovia:Sep,13,2014(SDN/QJ)-Qisadii ugu yaabka badnayd ayaa ka socoto goobo ku yaalla dalalka Galbeedka Afrika ee dhawaan Xanuunka Ebolo aafeeyey.
Qisadan ayaa ah in dadkii ka soo bogsaday Cudurkaas si weyn loo baadi goobayo dhiiggooda, iyadoo lacago xad-dhaaf ah lagu baadi doonayo sidii dhiiggooda iyo dheecaanadoodaba loo heli lahaa.
Haatan waxa la sheegayaa in dhiiggaas lagu kala iibsanyo suuuqyo madow oo ka baxsan goobaha caafimaadka ee hawshan qaabilsan, waxana laga soo dalbanayaa Goobo ka baxsan Qaaradda Afrika oo iyaga aanu xanuunku gaadhin wali.
Dhakhaatiirta ayaa waxa ay ka digayaan in dheecaanada dadka ka reystey cudurka Ebolaha in ay ku jiri karaan caabuqyo dhibaato keeni kara, waxana hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO ay sheegtay in kala shaqeyneyso wadamada uu cudurkan ka jiro sidii loo joojin lahaa ganacsigan sharci darada ah.
Dhiigga dadka cudurkan ka bogsaday ayaa la sheegay in ay ku jiraan walxo ka hortagi kara oo la dagaalami kara virska dhaliya cudurka Ebolaha sida ay daabacday Bloomberg News.
Margaret Chan, xoghayaha guud ee WHO ayaa sheegtay in ay jirto Qatar ka iman karta dhiigga ama dheecaanada laga soo qaado qofka ka bogsaday cudurka ee lagu mudo qof qaba cudurka Ebolaha.
Inkabadan 2,400 oo ruux ayaa cudurkan Ebolaha u dhintey dhowrkii bilood ee la soo dhaafay halka 4,700 oo ruux uu hadda hayo cudurka. Illaa iyo hadda ma jiro dawo la isku raacsan yahay oo uu cudurkan leeyahay inkastoo khubarada caafimaadka ay ku dadaalayaan in ay u helaan dawo.
Dadka qaba cudurkan ayaa lagu shubaa dhiig iyo dheecaano kale iyadoo loo sii raaciyo dawooyinka loo yaqaan antibioticada. Illaa iyo kala badh dadka uu cudurkan ku dhacay ayaa waxa ay ku bogsadeen markii la siiyay dhiig dad ka soo bogsaday cudurka.
WHO ayaa haatan raadinayso hab dhiigga dadka reystey loogaga soo qaadi karo si habboon loona siin karo qof uu ku dhacay cudurka.Arrintan ayaa waxa ay si xoog leh u soo shaac baxday kadib markii Dr Kent Brantly oo ka soo bogsaday cudurkan Ebolaha uu ugu deeqay dhiig Dhakhtar kale oo isla dalka Maraykanka u dhashay kaasoo isagana uu ku dhacay cudurkan.
Dr Rick Sacra ayaa lagu shubay dhiiga Dr Brantly wax yar kadib markii la keenay Nebraska Medical Center jimcihii aynu ka soo gudubnay. Dr Sacra oo 51 sano jir ah ayaa la siiyaa dawooyin kale oo tijaabo ah.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com