|

Somalia Oo U Hanjabtay Dadka Qaadanaya Dokumentiyada Been Abuurka ah

Muqdisho:Sep,13,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Federalka Somalia, ayaa ka Hadashay Dokumentiyada Been abuurka ah ee lagaga dhoofayo garoonka Aadan cadde, iyadoo u digtay dadka arrimahaas ku lugta leh.

gaafowTaliyaha Waaxda Socdaalka & Jinsiyadaha ee Somaliya General C/laahi Gaafow Maxamuud, ayaa waxa uu sheegay in dunida uu mamnuuc ka yahay samaynta sharciyada been abuurka ah, isla-markaana uu yahay wax la dagaalan lagula jiro, isla-markaana ay Somalia kala siman tahay caalamka dagaalka ka dhanka ah Been abuurka.

“Adduunka dadbaa sameeya waxyaabo been abuur ah, sharci darada waa lala dagaalamaa, qorshaha la qorsheystay nalalkan, shaqadan iyo makiinadahan waxaa loo keenayba, in lala dagaalamo dokumentiyada been abuurka ah.” ayuu yidhi Taliyaha.

Isagoo Jimcihii shalay Saxaafada kula hadlaayay Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu ka digay in dadka ay ku Waantoobaan waxyaabo ay xabsi ku muteysanayaan, haddii lagu qabto.

“Waa lala dagaalaa oo mari meyso xabadna wax uma taro, cidii lagu qabto xabsiyaa la gelinaa.” ayuu yidhi General C/laahi Gaafow Maxamuud.

General Gaafow wuxuu soo bandhigay dokumentiyo been abuur ah oo lagu qabtay ninkii watay, kaasoo uu sheegay in uu iminka u xidhan yahay Sharciga.

Waaxda Socdaalka Somalia ayaa dhawaan gacanta ku dhigtay Baasaboorro tiro badan oo si qarsoodi ah looga dhoofinayey garoonka Muqdisho, waxana ay arrintaas ku sheegeen mid loo waday Somaliland, balse Somaliland wax war ah kama soo saarin hadalka dhigeeda Somalia kasoo baxay.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed