Hubka la Iibiyo oo Maamul Goboleedka Punt land Go’aano adag ka soo Saaray Akhri
Garowe 12.Sep 2014 (SDN/QJ)- Dowadda Puntland ayaa Shalay shaaciyay inay mamnuuc ka tahay deegaanadeeda hubka sida sharci daradda ah loo iibsado iyagoo laga keenayo dalka dibadiisa.
Shirka gollaha wasiiradda ayaa arrintaan looga hadlay waxana lagu sheegay inay dowladdu la wareegi doonto cidi lagu arko iyaadoo ka ganacsanaysa hubka yar yar iyo kuwo waa wayn ee wax dila.
Qoraal kasoo baxay shirkaasi ayaa arrintaan looga hadlay waxana lagu yiri ”Waxaa gollaha Xukumadda Dowladda Puntland ay maanta si buuxda u mamnuucee ka ganacsiga hubka yar yar ama waaweyn gudaha Puntland, isla markaasna waxay joojyeen soo dejnta iyo iibinta dhamaan wax kasta oo ku saabsan hubka wax dila in la keeno gudaha Puntland, waxay Gollaha Wasiiraddu ganacsatadda Puntland fareen in aysan ka shaqayn katin , iibin karin soo dejin karin , dhamaan hubka noocyadiisa kala geddisan”.
”Haddii la helo hub si sharci daro ah usoo dajiyaan ganacsatadda Puntland waxaa la wareegaysa Dowladd Puntland, wuxuuna si rasmi ah uga midnoqonayaa hubka Dowladda , waxaa loo xilsaaray guddi si gaar ah ula socon doono howlahaasi.
Puntland ayaa ka mid ah meelaha lagu iibiyo hubka dibadda laga keeno ama dalka intiisa kala mana jirto ilaa iyo hadda sharci ka hor tagaya hubkaasi, iyadoona tilaabadaan ay noqonayso mid wax badan ka badalaysa ka ganacsiga hubka.
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com