|

Danjire Somaliyeed Oo Cafiyey Nin Hore u Dilay Gabadh yar Oo Uu Dhalay Oo Saamaxaad Ka Dalbaday

Muqdisho:Sep,11,2014(SDN/QJ)-Waxa soo Baxay war xiiso leh oo dhex maray Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cabdi Ameriko iyo Nin somalia ah ooh ore u dilay Gabadh yar oo uu danjiruhu dhalay.

amerikaQisaddan oo ka dhacday Magaalada Muqdisho, ayaa wax aka sheekeeyey Danjiraha laftiisa, waxana uu sheegay inay ahayd arrin isaga lama filaan ku noqotay oo aanu marnaba filaynin.

Mr. Ameeriko, ayaa bartiisa facebook, waxa uu soo dhigay inuu dhowr iyo labaatan sano kaddib Muqdisho ku arkay ninkii dilay gabadhiisa, oo isaga aanu aqoon, balse ugu yimid xeebta Liido ee Muqdisho.

Danjire Ameriko oo warkaas iyo sida wax u dhaceen Faahfaahinaya ayaa Hadalkiisa sidan u dhigay,

“Galabta anigoo shaah ka cabaya Makhaayad ku taal Lido, ayaa waxaa ii yimid nin, wuxuu igu yidhi “waan ku raadinayay maalmahan, waxan rabaa inaan wax kuu sheego kaddibna wax kaa codsado.”, haye ayaan ku dhahay. Wuxuu yidhi” waxaan ka imid oo layga soo tarxiilay Sacudiga oo aan ku xidhnaa 21 sano, 1992dii aniga iyo wilal ayaa guriga Aabaha soo weerarnay, lacag iyo alaab badan baan ka dhacnay, lacagtaas ayaan qaybsanay oo aan Sacudiga ku aaday, Laba ka mid ah wilashi waa la dilay. Waxan maqlay in Gabadh aad dhashay oo jirtay Hal sano ka yar ku dhimatay markan guriga soo weerarnay, Allaha u naxaristo, walaalow waxaan kaa codsanayaa inaad i CAFISO.” Aad baan u cadhooday, gabadhaydii yarayd ayan soo xasustay, haddana waan is dejiyay, haduuba gartay inuu i horyimado oo cafis i waydisto, waxan ku dhahay “WAAN KU CAFIYAY.”

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed