Sideed Qof oo Falal kala duwan ku eedaysan oo Maxkamada Ciidamada qalabka sida ay ku riday
Muqdisho 10.Sep 2014 (SDN/QJ)- Maxkamadda sare ee ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukunno ku ridday siddeed qof oo ku eedaysnaa dambiyo kala duwan.
Af-hayeenka Maxkamadda ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya, Col. Cabdullaahi Maxamed Muuse oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in Cabdullaahi Aadan Isaaq iyo Cabdullaahi Cartan Maxamuud oo ka tirsanaa ciidanka nabad sugidda qaranka Soomaaliya lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii loo helay caddeymo muujinaya in si ula kac ah u dileen, Alle ha u naxariistee, Muuse Xasan Jaamac iyo Axmed Cabdiraxmaan Shariif.
Sidoo kale, Maxkamadda ayaa 100 halaad oo geel ah ku xukuntay Maxamuud Axmed Maxamed oo ka tirsanaa ciidanka nabad sugidda, kaddib markii ay ku caddaatay in si aan ula kac aheyn uu u diley Alle ha u naxariistee, Yaxye Cali Maxamed.
Dhinaca kale, Maxkamadda sare ayaa 10 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Axmed Cali Maxamed, Careys Shiilow Sheekh Yuusuf ,Maxamed Xasan Hiraabe iyo Sakariye Daahir Xasan oo kawada tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo Carab Ciid Guure oo ka tirsanaa ciidanka deegaanka ee degmada Dayniile, kuwaas oo Af-hayeenka Maxkamadda ciidammada qalabka sida Col Cabdullahi Maxamed Muuse uu sheegay in la helay caddeymo muujinaya in ay galeen dambiyada ay ku eedaysnaayeen.
Af-hayeenku ma uusan faahfaahin nooca dambiyada uu sheegay in ay ku caddaadeen shantaasi nin ee lagu xukumay xarigga.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com