|

“Waan taageeraynaa dib u heshiisiinta Jubbooyinka” Qaramada Midoobay

Nairobi 10.Sep 2014 (SDN/QJ)- Ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qarammada Midoobey u qaabbilsan Soomaaliya, Fatiha Serour iyo madaxda maamulka KMG ah ee Jubba ayaa maanta Kismaayo uga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa shirka dib u heshiisiinta bulshada Jubbooyinka oo lagu wado in 16-ka bishan lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Fatiha-Serour-300x199Madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulka KMG ah ee Jubba,  Suldaan Cabdiqaadir Luga-dheere ayaa sheegay in ay wafdiga isla garteen in la xoojiyo nabadda iyo dib u heshiisiinta Jubbooyinka.

Wuxuu tilmaamay in sidoo kale ay isla soo qaadeen sidii dhaqan celin iyo tababarro loogu sameyn lahaa ciidanka maamulka KMG ah ee Jubbaland.

Ku xigeenka ergeyga Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Fatiha Serour ayaa sheegtay in booqashadoodu ay daba socotay booqasho dhawaan ay Kismaayo ku tageen xubno ka tirsan golaha wasiirrada ee Soomaaliya, ayna taageerayaan dadaallada dib u heshiisiineed ee gobollada Jubbooyinka.

Wafdiga ayaa booqday xero ciidan oo ay ku xareysan yihiin ciidanka wasiirkii hore ee gaashaan dhigga ee xukuumaddii KMG aheyd ee Soomaaliya, Col  Barre Aadan Shire ( Hiiraale) oo dhawaan heshiis la qaatay maamulka KMG ah ee Jubba.

Nairobi SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed