|

Isku Shaandhayn Muran dhalisay oo Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada iyo Kacsanaanta Taagan

Jig Jiga 10.Sep 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xalay isku-shaandheyn,magacaabis iyo xilka qaadis ku sameeyay, kadib markii ay Golaha Wasiiradu isugu yimaadeen Shir oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada.

ileyShirkan Golaha Wasiirada Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia o uu shirgudoominayay Madxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa kadib waxa uu soo saaray wareegto.

  • C/risaaq Saxane oo hore u ahaa Maayirka maamulka Magaalada Jigjiga wuxuu noqday Komiishineerka Booliska DDSI
  • C/wahaab Rashiid oo ahaa maareeyaha Horumarinta Webiyada iyo Dooxooyinka wuxuu noqday Maareeyaha Kulliyada Cabdul-majiid(TTC)
  • Cabdi Xuseen(Sonkor) oo ahaa Gudoomiyaha Gobolka Shabeele Wuxuu noqday Wasiirka Cadaalada
  • Guleed Aw Cali oo ahaa Maareeyaha Xafiiska Naqshada iyo Dabagalka Biyaha wuxuu noqday Kuxigeenka Beeraha
  • Yaasiin Cumar oo ahaa kuxigeenka Dakhliga kuxigeenka Beeraha
  • Maxamed Cabdi Xasan(Dhoodhe) oo Hore u ahaan jiray Guddoomiyaha Degmada Wardheer wuxuu noqday Kuxigeenka Hogaanka Nanabd-galyada iyo Cadaalada
  • Cumar Siyaad oo ahaa Wasiirka Dakhliga wuxuu noqday Maareeyaha Wakaalada Naqshada iyo Dabagalka Biyaha
  • Maxamed Cabdi Mawsar oo ahaa Gudoomiyaha Gobolka Nogob wuxuu Noqday Guddiga Dabagalka Xafiiska Madaxweynaha
  • Cabdi Geedi oo ahaa Gudoomiyaha Deg Jigjiga wuxuu noqday maareeyaha Wakaalada Dakhliga
  • Cabdicasiis Maxamed Cumar oo ahaa madaxa Maaliyada degmada Raaso,wuxuu noqday ku xigeenka Dakhliga
  •  Cbdifataax Sheekh Cali Caafi oo ahaa madaxa dabagalka Xafiiska maamulka wuxuu noqday ku xigeenka Dakhliga
  • Mudane Wacay Xasan oo ahaa hormuudka Kulliyada TTC waxaa loo bedelay kuxigeenka TTC Qaybta Academic
  • Ilyaas Abiib oo ahaa ku xigeenka hormuudka TTC wuxuu noqday ku xigeenka TTC Dhinaca maamulka Maaliyadda
  • Maxamed Ibraahin Cabdilaahi Dabagalka Maamulka kuxigeenka Nabad-galyada iyo Cadaalada
  • Guleed Muxumed hore u ahaa kuxigeenka Waxbarashada kuxigeenka Wakaalada Dhismaha arimaha biyaha
  • Axmed Maxamed Shukri la-taliyaha Madaxa arimaha Xidhiidhka Dadwaynaha kuxigeenka waxbarashada
  • Bashiir Axmed aadan waxaa la geeyay Madaxa Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka
  • Irshaad Cali Nuur Agaasinka Wakaalada cabashooyinka kuxigeenka cadaalada
  • Subeer Cabdilaahi Axmed Proces owner maamulka madaxa Wakaalada Iibka iyo Dhismaha Adeega Gaarka ah
  • Aamiin Daahir Dabagalka Maamulka la-taliyaha wakaalada Warbaahinta
  • Cabdi-kuus Cabdilaahi Saleebaan kuxigeenka la-taliyaha madaxwaynaha Xidhiidhka dadwaynaha
  • Cali Ugaas Cabdi Kuxigeenka Wakaalada dakhliga wuxuu noqday kuxigeenka iskaashatooyinka
  • Faarax jaamac yuusuf Gud Deg afdheer kuxigeenk
  • Cabdirisaaq Dayib Kuxigeenka Xeerilaalinta wuxuu noqday kuxigeenka wakaalada Dhismaha

Gobolada:-

  • Maxamuud Xaaji Cumar oo ahaa Gud Deg Iimay Galbeed wuxuu noqday gudoomiyaha Gobolka Shabeele
  • Maxamed Axmed Badhcun oo ahaa Gud Deg dhagax-buur wuxuu noqday Gud Gobolka Afdheer
  • Cabdi Cali Mataan(Cabdi Ganay) oo ahaa Gud De-awaare wuxuu noqday Gudoomiyaha Gobolka Nogob.”

Hadaba, Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Jigjiga ayaa u xaqiijiyay Shabakada Hayaannews in ay diideen xubnaha xilka laga qaaday,iyaga oo ku tilmaamay mid aan xeerka DDSI waafaqsanayn.

Isbadalka siyaasadeed ee maanta lagu dhawaaqay ayaa dhaliyey guux weyn oo ka jira caasimada iyada oo dadweynuhu la amakaagsan yihiin sida ay wax u socdaan iyo in la gudagalo qas siyaasadeed oo saameyn dhan walba ah ku yeesha nolol maalmeedkooda.

JigJiga SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed