|

Xubno Ajaanib ah, Kana tirsan Al-shabaab Oo Lagu Qabtay Dalka Kenya

Nairobi:Sep,10,2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan Laamaha dhinaca ammaanka u qaabilsan Dawladda Kenya, waxa gacanta lagu dhigay laba  nin oo u dhashay Dalka Jarmalka, balse loo malaynayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.

pleRaggan haatan gacanta lagu dhigay, ayaa sanadkii 2012-kii u gudbay dalka Somaliya, xilli ay ka yimaadeen dalka Jarmalka, waxayna Kenya ku soo laabteen maalmo yar uun ka hor, intii aan gacanta lagu soo dhigin.

Madaxa la dagaalanka argagaxisada ee Kenya John Mulaulu, ayaa waxa uu xaqiijiyay in labadan nin la qabtay, xilli ay isu diyaarinayeen inay u socdaalaan dalka Jarmalka.

Wuxuu kaloo sheegay in basabooradoodu ay yihiin kuwo sax ah, balse aanu u saarnayn Sharciga dal ku galka ee Kenya, maadaama uu ka dhacay kii ay ku soo galeen dalkaasi, laba sano ka hor.

Sarkaalkan, ayaa hoosta ka xariiqay in raggan ay ka soo barbar dagaalameen Ururka Al Shabaab, ee dagaalka ka wada Gobolada Koonfurta iyo Badhtamaha ee Somaliya.

Isagoo la hadlaayay Wakaalada Wararka ee Reuters, ayaa waxa uu qeexay laamaha ammaanka in raggan ay gacanta ku dhigeen 29-kii bishii hore ee August.

Sabtidii, ayay ahayd markii Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka lagu qabtay ilaa saddex nin, oo sida la sheegay safar kaga soo laabtay Afrikada Bari, kuwaas oo lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin Kooxda Mintidka ah ee Al-shabaab.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed