|

Maraykanka Oo Ku Baaqay Baadhitaan Xeeldheer Oo Lagu Sameeyo Kufsiga Lagu Eedeeyey Ciidanka AMISOM

Washington:Sep,10,2014(SDN/QJ)-Maraykanka ayaa walaac weyn ka muujiyey Warbixin dhawaan ay soo saartay Ha’yadda Xuquuqda Aadanaha  ee Humar Rigts watch oo lagu faahfaahiyey Tacaddiyo Galmo oo Ciidanka AMISOM ku hayaan Haweenka Somaliyeed.

CALANIAmerika waxa ay si buuxda u sheegtay inay si hoose ula socoto, isla-markaana Baadhitaan dheer ka Geli doonto Eedaha loo jeediyey Dalalka ciidankoodu ka joogaan Somalia.

“Waxaan si taxadar leh u qiimeynaynaa Eedeymaha ku jira Warbixinta HRW iyo jawaabaha ay ka bixiyaan Dowladaha ay ciiddamadooda ku jiraan Hawlgalka AMISOM iyo jadwalka shaqo iyo tababaradda AMISOM” ayuu yidhi Sarkaal u hadlay Maraykanka.

Sarkaalka waxa uu ugu baaqay Dowladda Somalia, Taliska AMISOM iyo Dowladaha ciiddankooda ka tirsan yihiin AMISOM inay baadhitaanno buuxda ku sameeyaan Eedeymahaasi, lana soo maxkamadeeyo Askarta ay ku caddaato iyo Taliyayaashii u oggolaaday inay kufsadeen Haweenka Dhibanayaasha Soomaalida ah.

Dowladda Maraykanka waxay sheegtay inay diyaar u yihiin inay taageero ka geystaan Baadhitaankaasi, haddii laga codsado, si loo xaqiijiyo inay Askarta Uganda iyo Burundi geysteen kufsi wadareed.

Dowladda Maraykanka oo bixisa kaalmadda ugu ballaadhan ee la siiyo Hawlgalka AMISOM ayaa ku goodisay inay dib u eegi doonaan Taageeradda ay siiyaan AMISOM, haddii ay caddaato Warbixinta Human Rights Watch.

Dowladda Maraykanka waxay hawlgalka AMISOM hore ugu yaboohday in ka badan 340-million oo Dollar tan iyo markii uu Hawlgalka AMISOM ka bilowday dalka Somalia sannadkii 2007-dii.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed