|

Puntland Oo Si Cadho Leh Uga Hadashay Farogelin Kaga Timi Dawladda Federalka ah Oo La Xidhiidha Arrimaha Shidaal-baadhista

Garowe:Sep,10,2014(SDN/QJ)-Maamulka Somaliyeed ee Puntland, ayaa ka jawaabay baaq dhawaan dawladda Federalka ah kasoo baxay oo lagaga digayey shidaal-baadhis laga wado Deegaano maamulkaas ku dhexyaalla.

puntlandMaamulka oo arrintan ka Hadlay ayaa wax aan la aqbali Karin ku tilmaamay Digniin ay dawladdu ugu digtay Shirkadaha shidaal-baadhista ku Hawllan oo Puntand ay kula heshiisay inay Deegaanadeeda Shidaal ka Baadhaan.

Agaasimaha Hey’adda Macdanta iyo shidaal baadhista Puntland Ciise Maxamuud Dhool-waa ayaa sheegay in hadalkaas ka soo yeedhay dowladda Federaalka aanu aheyn war la aqbali karo, isla markaana Puntland arrimaheeda aanay cidna gor-gortan kala galeyn.

Wuxuu kaloo sheegay in nasiib-daro ay tahay hadalkii kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa digniinta ku aadan Shirkadaha ku howlan Shidaal Baadhista deeganada maamulkaasi.

Agaasimaha Oo Arrintaas Ka Hadlay ayaa sheegay inay Puntland xaq u leedahay maamulka Arrimaheeda gaarka,“Puntland arrimaheeda cidna gor-gortan kalama galeyso, wixii khuseeya arrimaha shidaalkeeda iyada u madax banaan, dastuurka dalka waxaa uu xaq u siinayaa Puntland kheyraadka dabiiciga in dhulkeeda ka soo saaran karto” ayuu yidhi Agaasime Ciise Maxamuud.

Sidoo kale Agaasimaha wuxuu carabaabay in Shirkadaha ku sugan deeganada Maamulkaasi ay u fasaxan yihiin baadhista Shidaalka deeganadaasi, maadaama Puntland ay u fasaxday arintaasi.

Dhanka kale, Waxaa uu sheegay in hadalka ka soo yeedhay Wasaarada Macdanta iyo Batroolka dowladda Federaalka uu yahay hadal riyo ah, isagoo xusay in haatan xidhiidhkii u dhaxeeyay Puntland iyo dowladda Federaalka uu go’an yahay.

Dawladda Federalka Somalia ayaa dhawaan digniin u dirtay dhammaan shirkadaha shidaal-baadhista ka wada Deegaano ku Yaalla Somaliland iyo Puntland, waxana ay  Somaliland hore u sheegtay in shidaal-baadhista  dhulkeeda laga wado aanay cidna kala tashan doonin. SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed