|

Dawlada Somaliland oo Ku Guul daraysatay Helitaanka Idaacad FM ah oo ay Siraad Ku Raadinayso Si Fiicana looga dhagaysto Caasimada Hargaysa

Hargaysa 04.Sep 2014 (SDN/QJ)- Idaacad Magaceeda ku Sheegtay Baadigoob-FM Codka Shacabka Somaliland ayaa habeenadii u dambeeyay siweyn looga dhageystey caasimada Hargeysa, mowjada Fmka idaacadaas oo si saafi ah hawada usoo gasha islamarkaana, laga dhageysto fm/90.0 ayaa soo gasha caweysinka habeenkii iyadoo hawada ka baxda abaara kow iyo tobanka habeenimo,ee saacadaha dambe habeenkii.

ilaa iyo hada si dhab ah Looma oga halka ay idaacadan Baadigoobfm rasmi ahaan saldhigeedu yahey,inkastoo dad badan oo hadalhayay, ama dhagaystey idaacadani maalimhii u dambeeyay ay ku sheegayaan in aanay ka fogayn Caasimada Hargeysa marka loo eego sida idaacadan loo dhageysanayo iyo baahinteeda, kala duwan, waxa ay badiyaa soo gashaa habeenkii oo kaliya haseyeeshee, maalintii lama dhagaysto.

Qaar kamid ah Dadweynaha kunool Caasimada Hargeysa ayaa sheegay in ay idaacadan Baadigoob fm codka shacabka Somaliland,ay dhageysanyeen labadii Todobaad ee u dambeeyay islamarkaana, ay soo dhaweeyeen ogaysiisyada ay u bixinayaan dadweynaha iyo sida loola xidhiidhayo, taas, oo dad badani ay rayigooda iyo aragtidooda u gudbiyeen si dhakhso ahna loogu gudbinayo araadooda waxa ay cinwaankooda ku sheegeen, baadigoobfmradio@gmail.com kaas oo boga internetka ay dadweynuhu ugu gudbin karaan rayigooda iyo fariimaha ay gudbinayaan, waxaanay xuseen in ogeysiiska ay idaacadani bixineyso ay ku sheegayaan in ay dadku soo gudbistaan hambalyooyinka,tacsida,baafinta iyo wixii lamid ah oo aan lacag lagu xidhayn sida Idaacada Radio Hargeysa ee Dowlada.

Idaacadan Baadigoobfm ee codka shacabka ayaa u muuqata in ay tahey idaacad lidi ku ah Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo kadib markii habeen hore laga sii daayay, hees u muuqata Mucaaridad oo midhaheedu ahaa “Taliska Nugule Niyadjabkiisa Naxashka Saaranoow” Heestan oo la sameeyay Xiligii uu Dagaalku ka dhex Jiray Somalia iyo Itoobiya 1977 kii iyo heeso kale oo lamid ah.

Dhinaca kale dadka aqoonta u leh Qaababka ay Idaacaduhu u shaqeeyaan ayaa rumaysan in Transmitter-ka Idaacada Baadigoob oo ah Fm uu Yaalo Magaalada Hargaysa Gudaheeda isla markaana aanay dhici Karin in Cod baahiyaha Fm-ta la dhigo meel ka baxsan Magaalada uu ka waramayo,Waxaana Doodan Tusaale u ah Idaacadaha VOA ,BBC Iyo Radio Hargaysa oo Intuba ku Jira Hirarka Gaagaaban ay hadana Mawjada FM tu u Dhex yaalaan Xarunta Wasaaradda Warfaafinta .

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed