Xogo Iftiimiyey In TV-ga Puntland Hawada Uga Maqan Yahay Dhaqaale xumo
Garowe:Sep,04,2014(Himilo)-Waxa in muddo kooban ah hawada ka maqan tv-gii Puntland, iyadoo la sheegayo in sababtu tahay arrimo dhaqaale.
Wararka ayaa intaas ku daraya in aanu TV-gu iska bixinin lacagta kirada Satelite-ka muddo lagu sheegay afar Bilood.
Mas’uuliyiinta Idaacadda iyo Tv-ga Puntland ayaa ku xog waramay inaan la bixin bilihii lasoo dhaafey kharashaad faro badan oo ay ku shaqeyn jirtey warbaahinta ku hadasha afka maamulka Puntland, kuwaas oo caqabad ku noqday inay sii socoto shaqada warbaahintu.
Shirkada iska leh Satellite hawada uu ku maro Puntlandtv ayaa bishiiba kiro u qaadata lacag dhan $ 11,500,000 (Kow iyo Toban kun iyo Shan boqol oo dollar ) taas oo aan la siin afartii bilood ee lasoo dhaafey islamarkaana ku yeelatey PuntlandTv cadadka lacag dhan $ 46,000 (Afartan iyo Lix kun ) oo dollar.
TV-Puntland Sidoo kale waxa aan la bixin kharashka iyo mushaharka 7-dii bilood ee u danbeysay shaqaalaha London ee Warbaahinta Dowladda Puntland kuwaas halbowle u ah shaqada warbaahinta gaar ahaan Puntlandtv madaama ay maamulaan xarunta uu ku yaalo Satellite uu isticmaalo Telefishinku.
Culeysyada isbiirsaday ee lasoo gudboonaadey Warbaahinta Puntland ayaa imanaya xilli uu safar ku tagey maalintii shalay magaalada Bosaso Agaasimaha guud ee Idaacada iyo Telefishinka Puntland,C/fataax Ashkir Nuur oo sida la aaminsan yahay socdaalkiisu la xidhiidho sidii uu uga soo heli lahaa bangiga dhexe ee magaalada Bosaso dhaqaale lagu asturan ceebaha banaanka is keenay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com