Madaxweyne Obama Oo Si Cadho Leh uga Hadlay Gawraca Wariyihii Labaad ee Daacish Khaarajisay
Washington:Sep,04,2014(Himilo)-Madaxweynaha Dalka Maraykanka Obama, ayaa si cadho leh uga Hadlay gawraca kooxda Daacish u geysatay wariye labaad oo u dhashay dalkaasi oo muuqaallo muujinaya warbaahinta la mariyey.
Waxa uu Obama wacad ku maray inay cagta marin doonaan kooxda Daacish ee dhaqamada noocaas oo kale ah kula kacaysa Dadka aan waxba galabsan ee wariyayaashu ka mid yihiin.
Madaxweyne Obama ayaa isaga oo ku sugan wadanka Stonia sheegay in dilka Wariye Stephen Sutlov uu Cadeyn u yahay waxshinimada Kooxda Daacish, wuxuuna Caddeeyay in Falkan uu sii xoojinaayo sidii loola Tacaali lahaa Argagixisada.
Dhankiisa Saite-leyn Hayden oo ah Afhayeen u hadlay Golaha Ammaanka Qaranka ayaa sheegay in Laamaha Sirdoonka Mareykanka ay Baadhitaan ku sameeyeen Video-gan waxeyna Xaqiijiyeen in Wariye Stephen Sutlov la gowracay.
Dhanka kale Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in ninka geystay dilka Wariyaha ee kasoo muuqday Cajalada uu u ekaa Ninkii hore u dilay Wariye James Foley.
Xog-hayaha Arimaha Dibadda Ingiriiska Philip Hammound ayaa sheegay in Dowladdiisu aaney weli go’aan ka gaadhin Suurta-galnimada haddii Falal Milatary oo Mintidiinta ka dhan ah ay qaadeyso.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com