Ururka Daacish ee Adduunku u Soo Warmo Tumanayo Qaybtii labaad Iyo Qallinkii Xasan C.Hoori
Qaybtii 1aad ee qormadan waxaannu kor ka xaadinay dagaalka Kooxda Daacish ay kaga jirto Bariga Dhexe. Waxaannu ku sheegnay:
“Ka sokow in uu dagaal fool ka fool ah ku la jiro ciidamada Ciraaq
iyo Suuriya, kooxda Daacish waxaa ay dirir qadhaadh ku la jiraan maleeshiyada Shiicada Ciraaq, Suuriya iyo Libnaan. Waxaa kale oo ay la faltamayaan Ciidamada Xorta ah iyo Jabhadda Nusra ee Suuriya iyo Xisbullahiga Libnaan. Daacish waxaa ay Bariga Ciraaq kula legdamayaan isbahaysiga Maraykan iyo ciidamada Bashmarg ee Kurdiga. Intaa waxaa u dheer dagaalo goosgoos ah oo ay faraha isu la taageen ilaalada Kacaanka Iiraan oo u soo gurmaday in ay ka badbaadiyaan goobaha muqadiska ah ee Shiicada Ciraaq. Isla markaa, soohdimaha Ciraaq waxaa ay ku la dirirayaan Turkiga, Sacuudiga iyo Urdun iyagoo haysta degaamo aan ka fogayn.”
Baqdinta laga qabo Daacish waxaa ka marag kacaysa xukuumadda Ingiriiska oo muujisay halista ka iman karta haddii uu ku soo faruurmo dagaalka Daacish ee kumanyaalka mayl ka fog. Xukuumaddu Sabtidii waxaa ay kor u qaaday halbeegga nabadgelyo-xumo ee dalkooda iyagoo gaadhsiiyay heerka 4aad (halis Sare),Taas micnaheedu waxaa uu yahay dalka Ingiriisku in uu ku sugan yahay xasilooni-darro weyn oo khatar keeni karta.
Haddaba, waa ayo kooxda Daacish ee dunidu ay ka qaylisay?
Aasaaska Kooxda: Dawlad-ku-sheegga Islaamka ee Ciraaq iyo Shaam (Daacish) waxaa la aasaasay 9kii April 2013. Xaruntoodu waxaa ay tahay Al Raqqa ee dalka Suuriya. Waxaana ay ka soo farcameen Jamacat al-Tawxiid Wal Jihaad ee uu 2000 abuuray dagaal-ooge Abu Muscab al-Zarqawi oo u dhashay dalka Urdun kana soo ka soo dagaalamay Afqaanistaan. Al-Zarqawi waxaa uu hiigsanayay in uu mar uun afgembiyo Boqortooyada Urdun, hase ahaatee, waxaa ka soo soke maray dhibta lagu hayay dadka Sunnaha ah ee Ciraaq. Haddaba si uu u la dagaalamo xukuumaddii Ciraaq iyo gumaysigii Maraykanka waxaa uu gacan ka helay beelaha Sunnaha iyo ururka Ansaar Al Islaam ee Kurdiga. Faro-gelintii shisheeye, xukunkii laga tuuray Saddaam Xuseen iyo sidii xukuumaddu u la dhaqantay dadka Sunnaha intuba waxaa ay sii xoojiyeen aragtidii jihaadka ee uu Zarqawi ugu baaqay Sunnaha.
Bishii October 2004, Al-Zarqawi waxaa uu ku biiray Al Qaacida markaas oo uu ururkiisa u la baxay Qaacidada Labada Webi (webiyada Furraat iyo Dejla ee Ciraaq). Runtii, dagaalo culus ayuu la galay isbahaysiga xukuumadda iyo ciidamada reer galbeed ee uu soo dhoobay Maraykanu. Dagaalo fool ka fool ah, qarax iyo is qarxin, afduub, madax-furasho iyo dilal bahalnimo intuba waxaa ay ahaayeen xeeladaha uu u adeegsaday dagaalka. Al-Zarqawi waxaa uu ku guulaystay in uu fashiliyo hanka iyo damacii shisheeye. Isla markaa, waxaa laga dhaxlay boqolaal qof oo maalin kasta qudh-baxa. Waxaa loo nisbeeyaa in uu ahaa ninkii huriyay dagaaladii fosha xumaa ee Baqdaad iyo Faluuja. Ugu danbayntii, Al Zarqawi waxaa uu ku dhintay gacanta Maraykanka bishii June 2006.
Kooxda Daacish waxaa ay ka soo dhalatay geeridii Al-Zarqawi iyo dagaal-yahannadii ka soo doogay colaadda shisheeye iyo Shiicada. Hawlgalka ciidan ee Daacish waxaa uu soo bilaabmay 2004 iyagoo hadba la baxayay magac. Al-Qaacidada Ciraaaq ayay ahaayeen 2003–2006, Golah Wada-tashigga Mujaahidiinta ayay la baxeen 2006, Dawladda Islaamka ee Ciraaq 2006–2013. Balse, 13 October 2006 ayay ku dhowaaqeen Dawladda Islaamka ee Ciraaq. Waxaa ay sheegteen, xilligaa, in ay ka taliyaan gobolada Sunnaha ee Baghdad, Anbar, Diyala, Kirkuk, Salah al-Din, Nineveh, iyo Babil. Isla markaana waxaa ay ku sii siqayeen Suuriya.
Isla markaaba, waxaa u suura gashay in ay gacanta ku dhigaan gobolo ama qaybo ka mid ah degaanka Sunnaha ee Suuriya sida Al Barakah, Al Khayr, Al-Raqqah, Al Baadiya, Xalab, Idlib, Xama, Damishaq iyo gobolka Xeebta. Sida ay sheegteen xilligaa waxaa ay ka talinayeen 16 gobol oo labada dal ah. Taas ayaa keentay in ay u digo-rogtaan Dawladda Islaamka ee Ciraaq iyo Shaam ama Suuriya (Daacish).
Badhtamahii sannadkan ayay gaadheen fiinta ugu sarreysa ee guulaha is daba-joogga ahaa markii ay xukuumadda Baghdad ka furteen dhul aad u ballaadhan. Sidaa awgeed, kowdii bisha Ramadaan waxaa ay ku dhawaaqeen in ay sameeyeen Dawladdii Khaliifada Islaamka, isla markaana, waxaa ay ugu baaqeen dadka dulman ee Islaamka in ay ku soo biiraan ama u soo haajireen Khaliifadda Islaamka.
Caqiidada: Ururka Daacish waxaa ay sheegtaan in ay yahiin Salafiyiin (asal raac), Jihaadiyeen (dagaal oogayaal), Wahaabiyiin (xerta Maxamed Cabdulwahaab ee Sacuudiga), iyo Khaliifadii Islaamka. Waxaa ay Al Qaacida la wadaagaan in lala dagaalamo reer galbeedka iyo in uu jihaadku yahay marinka keliya ee lagu sugi karo karaamda Islaamka. Sidoo kale, waxaa ay qabaan in la gaaleeyo dadka muslimka ah ee aan taageerin jihaadka iyo kuwo aaminsan ku dhaqankaa dimuqraadiyadda, doorashooyinka iyo xornimada qofka ee ku sugan xeerarka reer galbeedka.
Daacish, sida ay sheegeen, waxaa ay qoriga u qaadeen in ay soo celiyaan awooddii iyo karaamadii muslimka iyo in ay sameeyaan dawlad Islaam ah oo iska caabisa cadowga shisheeye iyo kan gudaha. Waxaana ay col la yahiin Shiicada, gaalada iyo muslimiinta gaalada talo saarata.
Hoggaanka: Khaliifka ama hoggaamiyaha dawlad-ku-sheegga Islaamka waxaa la yidhaahdaa Abu Bakr al-Baghdadi. Taliyaha ciidanku waxaa uu yahay Abu Omar al-Shishani, halka afhayeenka kooxduna uu yahay Abu Mohammad al-Adnani. Ilaa hadda waxaa ay ka hawl-galaan dalalka Ciraaq, Suuriya iyo Libnaan. Waxaana ay gacanta ku hayaan dhul ballaadhan oo bedkiisu dhan yahay ilaa 80,000 kiloomitir labo jibbaaran (ilaa 50,000 Suuriya iyo ilaa 30,000 Ciraaq).
Gacansaar: Inkastoo uu dayriyay Taliska Sare ee Al Qaaciida, Daacish waxaa ay xulufo la yahiin Al Qaacidada Ciraaq, Ururka Boko Xaraam oo dhowaan hoggaankoodu, Abubakar Shekau, uu sheegay in ay ka amar qaadanayaan Daacish iyo Khaliifka Islaamka, Jamaacat Al Islamiya, Al Qaacidada Maqrib (Galbeedka Carabta ama Waqooyiga Afrika), Al Qaacidada Qooriga Carbeed (Arabian Peninsula) iyo Dagaal-yahannada Bangsamoro ee Xoraynta Islaamka ee dalka Philippines.
Hantida: Kooxda Daacish waxaa ay kaga duwan tahay ururada kale ee halganka ku jira in ay dhaqaalaha ka dhex abuuraan meelaha ay gacanta ku hayaan. Qoraalo sir ah oo laga qabtay ayaa laga ogaaday 95% dhaqaalahu in uu uga yimaado gudaha. Waxaa ay dhacaan hantida guud iyo tan gaar. Waxaa ay ka ganacsadaan wax kasta oo iib u geli kara sida aataarta, shidaalka, wax-soo-saarka warshadaha iyo beeraha. Waxaana ay leeyahiin maamul ay ku sii socodsiin karaan ilaha dhaqaale ee ay mulkiyaan. Intaa waxaa u dheer xeelado ganacsi oo laga garan karo in ay si joogta ah shidaalka uga iibiyaan dawladdii Suuriya oo ay ka qabsadeen ceelasha iyo Turkiga oo ay col yahiin. Sidaa awgeed, si joogta ah waxaa ay u bixiyaan mushaharka dawladoodu.
Badhtamahii sannadkan 2014, xogo sir ah oo ay ka qabatay xukuumadda Ciraaq loona gudbiyay Sirdoonka Maraykanka (C.I.A) ayaa lagu caddeeyay in ay gacanta ugu jirto hanti ka badan laba kun oo malyuun oo Doollarka Maraykanka ah (US$2 billion). Waxaa kale oo xog lagu hayaa in ay qaadhaan ka helaan dalka gudahiisa iyo dalalka Gacanka Carbeed. Guud ahaan, hantida ururka Daacish waxaa lagu qiyaasay in ay ka badan tahay afar kun oo malyuun oo Doollarka Maraykanka ah (US$4 billion).
Hubka: Hubka ay haystaan kooxda Daacish waxaa uu isugu jiraa hubkii ay kala wareegeen saldhigyada ciidamada ka dib markii ay burburtay dawladdii Saddam Xuseen. Hub kale oo faro badan waxaa ay ka furteen xukuumadda Suuriya, jabhadiihii mucaaradka Suuriya oo dalalka khaliijka iyo Maraykanku si hoose u hubaynayeen. Hase ahaatee, hubka ugu danbeeya waxaa ay ka hodmeen ciidamadii Shiicada ee Ciraaq oo uga carary kayd aad u culus oo casri ah. Hubkooda waxaa uu u badan yahay qoryaha fudud PK, boobayaasha PKM iyo RPG-7s, gantaallada SA-7, gantaallada garbka Stinger, M79 Osa, HJ-8, iyo lidka taangiyada AT-4 Spigot, nooca 59, M198 howitzers. DShK ZU-23-2, BM-21. Sidoo kale, waxaa ay ku hubaysan yahiin Taangiyada T-54/55 iyo T-72 main. Waxaana ay wataan gaawaadhida gaashaaman sida M1117 iyo Humvees. Waxaa kale oo la sheegay dhowaan in ay Mosul ka furteen dayuuradaha qumaatiga u kaca ee UH-60 Blackhawk.
Waxaa xusid mudan in ay gacanta ku dhigeen macdanta Uranium ee laga samaayo qunbuladda nuclear. Danjiraha Ciraaq u fadhiya Qaramada Midoobay Cali Al- Xakiim qoraal uu bishii July u qoray Xoghayaha Guud Ban Ki-moon, waxaa uu ku sheegay Kooxda Daacish in ay Jaamicadda Mosul ka bililiqaysteen macdanta Uranium ee laga sameeyo hubka khatarta ah. Hase ahaatee, afhayeenka Hay’adda Tamarta ee QM, Gill Tudor, waxaa uu sheegay macdanta ay dhaceen in ay hooseyso tayadeedu iyo in aan Daacish lahayn warshadaho iyo aqoon lagu sii farsameeyo.
Warbaahinta: Waxaa la isla qiray ururka Daacish in uu leeyahay warbaahin heer calami. Waxaa ay soo saaraan qoraal, maqal iyo muuqaal aad u sarreeya. Sannadka bilowgiisii waxaa ay aasaaseen waxa ay ugu yeedheen Machadka Al Furqaan ee Warbaahinta. Waxaana ay adeegsadaan farsamooyin casri ah oo ay kaga faa’iidaystaaan degelada warbaahinta bulshada sida Twitter, Youtube, Google iyo degelo iyaga gaar u ah oo reer galbeedku u caal-waayeen in ay aamusiyaan. Waxaa ay wax ku soo saaraan afaf fara badan sida Carabi, Ingiriisi, Ruush iyo Jarmal. Waxaa kale oo ay leeyahiin qolol haasaawe (chat rooms) oo ay ku wada xidhiidhaan, isla markaana, ku soo xero-geliyaan dhallinyarada jihaad-doonka ah.
Gebogebo: Machadka Diraasaatka Dagaalka waxaa uu sheegay kooxdu in ay adeegsadaan xeeladaha hoggaaminta milateri ee mitiraysan (metrics-driven military command) tasoo ah aqoonta ugu sarreysa ee ciidan lagu hoggaamiyo. Cidankoodu waxaa uu u badan yahay ajnebi. Waxaana ku jira ilaa 1000 ka yimid dalk Chechnya, 1200 ka yimid Yurub iyo ilaa 1500 ka kala yimid dunida Islaamka iyo Maraykan.
21kii August 2014, wasiirka Gaashaan-dhiggaa ee Maraykanka, Chuck Hagel, mar laga wareystay kooxdan waxaa uu ku wareliya, “Daacish oo kale hore adduunka u ma arkin. Waxaa ay ka halis badan yahiin Al Qaacida. Waxaana ay haystaan dhaqaale, hub, dhul, ciidan iyo taageerayaal faro badan. Sidaa darteed, ku ma qiimayn karno koox argagaxiso ah. Taas waa ay ka weyn yahiin.”
Haddaba, waxaa hubaal ah Ururka Daacish in uu galaafan doono dad badan oo Muslim ah. Waxaa uu dhib u soo jiidi doonaan Muslimiinta u diriraya iyo kuwa la diriraya. Waxyeeladu waxaa ay soo gaadhi doontaa Muslimiinta ku nool dalaka galbeed oo aan waxba galabsan. Xaaladda degdega ah ee Ingiriisku kaga dhawaaqay dalkiisa waxaa lagu jidayn doonaa xeerar xaalad degdeg oo waxyeelo badan u keeni doona Muslimka dalkaas ku nool. Ugu danbayntii, inkastoo adduunku u soo warmo tumanayo Kooxda Daacish waxaa muuqata in ay sii jiri doonaan in muddo ah. Hase ahaatee, sida aan filayno, ma ahaan doonaan urur la mahadiyo, balse waxaa ay noqon doonaan kuwo Muslimku eedaan.
Xassan Cumar Hoorri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Ku la xidhiidh horri@somalilandsun.comama ku tixraac Twitter @horrimania